4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Kooxda kubadda cagta ee London Stars oo ku guuleystay koobkii ciyaaraha xagaaga

Axad, September 02, 2012 (HOL) - Ciyaaraha Xageyga ee sanadwalba  lagu qabto dalkan Britain gaar ahaan magalada London ayaa maanta la soo gabagabeeyey, iyadoo ay ka qeybqaateen 16 kooxood oo kakala yimid london, Manchester, Birmigham & Leicster.

Ciyaarahan ayaa si rasmi ah uga bilowday 19kii bishii Augost 2012, waxaana loogu soo gabagabeeyey garoon ku yaala xaafada Wembley ee galbeedka magaalada London iyadoo furitaankii ciyaarahana lagu qabtay garoon kale oo ku yaalay waqooyiga london.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ayaa si gaar ah u xiiseynayey ciyaarahan oo ay kama dambeysta ( Finalka ) isugusoo baxeen kooxaha London Stars Vs Nabadda Stars halkaas oo ay guusha ku raacday kooxdii ku cayaareysay magaca London Stars . Labada kooxood ayaa  waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u xiisa badan. Kooxda London Stars  ayaa ku suuldaartay kooxda kale ee Nabadda Stars  3-2 

Cayaartaan ayaa waxaa daawashadeeda ay kasoo qeybgaleen ciyaartoydii hore ee qaranka, kuwa kubbada koleyga iyo qeybaha kale ee sportiga. Waxaa halkaas labada kooxoodka lagu gudoonsiiyey abaalmarinadii ay muteysteen iyadoo dhanka kalena ay jireen abaalmarino la guddoonsiiyey ciyaaryahanada kale ee katirsan 16ka kooxood oo qaarkood helay abaalmarino ay kamid ahaayeen ciyaar wanag, gool badis, gool hayaha ugu wanaagsan iyo Gool dhaliyaha ugu badnaa ciyaarahan.


 
Ururada midoobay ee kala ah Zeri A oo ah ciyaartoydii hore iyo ururka Somaliweek ayaa sannadkan soo abaabulay cayaaraha. Waxaana halkaas ka hadlay guddoomiyaha cusub ee ururada midoobay Macalin C/raxman Shiine Guhaad.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Kooxda London Stars  Macalin Daahir Gacmey iyo  Tababare Cai Mire.  

Ibrahim Omar Baafo
Hiiraan Online London 
ibrahim.mohamed@hiiraan.com