4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Xaflad lagu gunaanadayay Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)

 
A
xad, September 2, 2012(HOL):-Xaflad heer sare ah oo uu soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa lagu gunaanaday Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga ee 2012, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinacyada Olombikada, Maamulka gobolka banaadir iyo Xawaaladda Juba Express oo dhanka Maalgelinta qeyb weyn ka qaadatay.

 

Xafladda gunaanadka Tartankan  ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay Cabdi Cabdulle Baasaale oo ah Kusimaha Xoghayaha XSKK oo ka warbixiyay qaabka uu tartanka u dhacay iyo qorshaha xigga ee tartamada u qorsheysan xiriirka.

 

Sidoo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) ayaa ku daray inuu si qurux badan ku soo idlaaday tartankan,  isagoo sidoo kale xusay inuu qeyb weyn ka qaatay isdhexgalka bulshada.

 

“Tartankan waxaan ku qabanay labo garoon oo degmooyin kala fog ah, waad aragteen sidoo galab walba loo soo buux-dhaafinayay, waxaan dhihi karnaa wuxuu ahaa Tartan qeyb weyn ka qaatay si dhab ah isdhexgalka bulshada waana taas ujeedada ugu weyn ee Isboortiga laga dhaxlayo” ayuu yiri Guddoomiye Roombo oo ku daray inuu aad ugu mahadcelinayo madaxda degmooyinkii lagu qabtay ciyaaraha iyo Xawaaladda Juba Express oo uu ku tilmaamay dhiirigeliye Isboorti oo Taariikhdu xusi doonto.

 


Dhankooda waxaa hadalo qiimo leh ka soo jeediyay mas`uuliyiinta kala ah Agaasimaha Isboortiga Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maye (Walker), Kusimaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow), Xubin Guddiga fulinta GOS ahna Guddoomiyaha XSF Xaaji Axmed Maxamed Coloow, Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Maxamed Cali Axmed iyo Barliin Caddaawe oo ka mid ah Guddiga Haweenka K/Koleyga ee Qurbajoogta – waxay dhamaan ka dhawaajiyeen in Isboortiga Soomaaliyeed mudan yahay in loo huro naf iyo maal si jiilka soo koraaya ay u noqdaan kuwo ku faana horumar isboorti oo horukac leh.

 

Madaxa Xawaaladda Juba Express ee Koonfurta Soomaaliya  C/qaadir Cali Siyaad [Joolaal] ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yahiin ka qeybqaadashada Tartankii Xiddigaha K/Koleyga 2012, wuxuuna tibaaxay inay mar walba garab istaagi doonaan horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.

 


Ugu dambeyn waxaa halkaasi lagu bixiyay abaalmarinadii tartanka, Koobka kaalinta 1aad waxaa lagu guddoonsiiyay Global Hotel, Kaalinta 2aad Jazeera Hotel Plaza Iyo ciyaaryahanada Cali Maxamed Aadan (Baraawiini) oo hantay Gool dhallinta, C/risaaq Axmed Dable [Mandela] tuurashada saddexda (3 Points), Maxamed  Yuusuf Maxamed oo ku guuleystay Ciyaar Wanaag iyo Shahaado sharafyo la guddoonsiiyay qeybihii sida weyn uga qeybqaaday habsami u socodkii tartanka Xiddigaha K/Koleyga 2012.







 

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

Email:[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya