4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Fadhi aan caadi ahayn oo maanta u furmay golaha wakiilada ee Puntland

Axad, September 2, 2012(HOL): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta waxaa u furmay fadhi aan caadi ahayn, kaas oo ajendihiisa ugu weyni uu yahay sidii dib loogu eegi lahaa xeerka axsaabta siyaasadda oo ay todobaadyo kahor baarlamaanku cod aqlabiyad leh kumeel mariyeen.

 

Fadhigan oo uu codsaday madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), islamarkaana uu qorshuhu ahaa in uu shalay furmo, haseyeeshee maanta dib ugu dhacay ayaa waxaa furay madaxweyne ku-xigeenka ahna sii hayaha xilka madaxweynaha, Gen. Cabdisamed Cali Shire.

 

Wuxuuna u mahad celiyey xildhibaanada oo ku jirey fasax, isagoo dhinaca kale sheegay in sababta keentay in dib baarlamaanka mar kale la isugu yeero ay tahay, sidii ay isu waafajin lahaayeen xilliga uu dhaqan gelayo xeerka furashada axsaabta siyaasadda iyo qorshe howleedka gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

 

"Mudaneyaal iyo marwooyin, fadhigan aan caadiga ahayn in aynu isugu nimaadno waxa kalifay, sidii la isu waafajin lahaa sharciga ururada siyaasadda iyo wakhti hawleedka gudiga doorashooyinka, taas oo ay lagama maarmaan tahay in aynu sida ugu dhaqsaha badan u baahino, si xiligii loogu tala galay uu u hirgalo" sidaas waxaa yiri mudane Cabdisamed Cali Shire.

 

Baarlamaanka Puntland oo sanadkiiba labo mar kulma, waxaa bishii lasoo dhaafay ee August usoo gaba gaboobey kalfadhigoodii 28-aad ee ay yeeshaan, waxaana intii uu kal-fadhigaasi socdey xeerarka ay ansixiyeen kamid ahaa xeerka doorashooyinka, oo ay bulshada Puntland intooda badani soo dhoweeyeen.

 

Maamulka Puntland oo laga soo bilaabo xiligii dhidibada loo taagey sanadkii 1998 ku saleysnaa wax ku qaybsiga hab beeleedka, ayaa sanadihii u danbeeyey waxaa socdey dadaal xoogan oo loogu jiro sidii loogu rari lahaa hanaanka maamul ee Dimuqraadiga ah iyo doorashada ku salaysan axsaabta badan.

 

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Somalia