4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukuntay saraakiil lagu soo eedeeyey haysashada hub sharci darro ah

Axad, September 2, 2012(HOL): Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobolka Nugaal, ayaa maanta xukuntay saraakiil ka tirsanaa Booliska oo lagu soo eedeeyey denbi ah in ay ka dhego adeygeen soo wareejinta hub tira badan oo ay hayaan.

 

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada, Cabdikariim Xasan (Firdhiye) oo markii ay maxkamaddu xukunka ridey kadib shir jaraa'id qabtay, ayaa ka warbixiyey qaabka uu xukunku u dhacay iyo weliba denbiga loo haysto eedeysaneyaasha la xukumay.

 

Wuxuuna sheegay in ragga la xukumay lagu kala magacaabo Gaashaanle Cadaawe Cismaan Warsame iyo Xidigle Axmed Cali Liibaan, islamarkaana ay diideen in ay dowladda kusoo wareejiyaan hub tira badan oo laga war helay in ay haystaan.

 

Xeer ilaaliyaha ayaa dhinaca kale sheegay in hubka saraakiisha la xukumay gacanta ugu jiraa uu isugu jiro 3 nooc oo kala ah: 1500 oo ah miinooyinka lidka Taangiga, in ka badan 2000 oo ah Bumbada gacanta laga tuuro iyo weliba 10 qori oo ah nooca ay Soomaalidu jebiyaha u taqaan.

 

Cabdikariim Xasan Firdhiye oo warbaahintu ay su'aalo weydiisey ayaan si cad u qeexin halka uu hubkani markiisii hore kayimid, wuxuuna tilmaamay in labada askari midkiiba lagu xukumay xarig ay mudadiisu hal sano tahay.

 

Intii lagu guda jirey sanadka 2012, waxay maxkamadda ciidamada Puntland xukunno kala duwan ku ridey, askar badan ku edeysnaa denbiyo isugu jirey dil, kufsi, ka ganacsiga hubka iyo weliba isticmaalka maandooriyaha khamriga.

 

Waxayna noqonaysaa markii ugu horeysey oo kiis noocan oo kale ah lahor keeno, iyadoona ay dadka intooda badani isweydiinayaan sida ay suurtagal ku noqotay in hub ay intaas tiradiisu leegtay uu 2 askari keliya gacantooda soo galo.

 

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Somalia