3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukuntay saraakiil lagu soo eedeeyey haysashada hub sharci darro ah

Axad, September 2, 2012(HOL): Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobolka Nugaal, ayaa maanta xukuntay saraakiil ka tirsanaa Booliska oo lagu soo eedeeyey denbi ah in ay ka dhego adeygeen soo wareejinta hub tira badan oo ay hayaan.

 

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada, Cabdikariim Xasan (Firdhiye) oo markii ay maxkamaddu xukunka ridey kadib shir jaraa'id qabtay, ayaa ka warbixiyey qaabka uu xukunku u dhacay iyo weliba denbiga loo haysto eedeysaneyaasha la xukumay.

 

Wuxuuna sheegay in ragga la xukumay lagu kala magacaabo Gaashaanle Cadaawe Cismaan Warsame iyo Xidigle Axmed Cali Liibaan, islamarkaana ay diideen in ay dowladda kusoo wareejiyaan hub tira badan oo laga war helay in ay haystaan.

 

Xeer ilaaliyaha ayaa dhinaca kale sheegay in hubka saraakiisha la xukumay gacanta ugu jiraa uu isugu jiro 3 nooc oo kala ah: 1500 oo ah miinooyinka lidka Taangiga, in ka badan 2000 oo ah Bumbada gacanta laga tuuro iyo weliba 10 qori oo ah nooca ay Soomaalidu jebiyaha u taqaan.

 

Cabdikariim Xasan Firdhiye oo warbaahintu ay su'aalo weydiisey ayaan si cad u qeexin halka uu hubkani markiisii hore kayimid, wuxuuna tilmaamay in labada askari midkiiba lagu xukumay xarig ay mudadiisu hal sano tahay.

 

Intii lagu guda jirey sanadka 2012, waxay maxkamadda ciidamada Puntland xukunno kala duwan ku ridey, askar badan ku edeysnaa denbiyo isugu jirey dil, kufsi, ka ganacsiga hubka iyo weliba isticmaalka maandooriyaha khamriga.

 

Waxayna noqonaysaa markii ugu horeysey oo kiis noocan oo kale ah lahor keeno, iyadoona ay dadka intooda badani isweydiinayaan sida ay suurtagal ku noqotay in hub ay intaas tiradiisu leegtay uu 2 askari keliya gacantooda soo galo.

 

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Somalia













Click here
9/3/2012 3:03 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Hay’adda cilmi-barista iyo wada-tashiga CRD ayaa shalay qalab faneed noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qaar casri ah waxay guddoonsiisay kooxda fanaaaniinta Horseed ee ciidamada qalabka sida.

9/2/2012 10:33 PM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) - Ciyaaraha Xageyga ee sanadwalba lagu qabto dalkan Britain gaar ahaan magalada London ayaa maanta la soo gabagabeeyey, iyadoo ay ka qeybqaateen 16 kooxood oo kakala yimid london, Manchester, Birmigham & Leicster.

9/2/2012 2:52 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL):-Xaflad heer sare ah oo uu soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa lagu gunaanaday Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga ee 2012, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinacyada Olombikada, Maamulka gobolka banaadir iyo Xawaaladda Juba Express oo dhanka Maalgelinta qeyb weyn ka qaadatay.

9/2/2012 2:20 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta waxaa u furmay fadhi aan caadi ahayn, kaas oo ajendihiisa ugu weyni uu yahay sidii dib loogu eegi lahaa xeerka axsaabta siyaasadda oo ay todobaadyo kahor baarlamaanku cod aqlabiyad leh kumeel mariyeen.

9/2/2012 9:39 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dood adag ka yeesheen maanta qodobka dhigayay in murashaxu uu kalsooni ka haysto laabatan xildhibaan, iyadoo xildhibaanadu ay aad uga doodeen qodobkan.

9/2/2012 8:19 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aamisay in ururadii qiimeynta ku hadhay aanay buuxin shuruudihii laga rabay ururadda siyaasadda ee ka qaybgalaya tartanka doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa maanta oo Axad ah kaniisad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku aasan yihiin xubno uu ka mid yahay boqorkii hore ee Itoobiya, Hayle Salaase.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobolllka Hiiraan ayaa wada hadal kadib sheegay in ay ugu danbeytii isku afgarteen in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo lacago canshuur ah oo laga qaadi jiray ganacsatada ku dhaqan magaalada Baladweyne.

9/2/2012 7:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Burcadbadeedda Soomaalida ayaa toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Siiriya oo ka mid ahaa shaqaale la socday markab ay laba sano afduub u haysteen, waxayna dhaawaceen mid kale oo shaqaalaha markabka ka mid ah.

9/2/2012 5:35 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) —Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa laalay in lagu daro ajandaha kalfadhiga 19aad ee golaha wakiiladda kootadda kuraasta ah ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay laga siin lahaa baarlamaanka.

9/2/2012 4:46 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Tabarkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ka howgala dalka, waxaana tababarkan ka faa'iideystay 12 haween ah oo ka kala yimid gobollada dalka.

9/2/2012 4:05 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamadooda deegaanka Miido ee gobolka Jubbada hoose oo 25-km u jirta degmada Afmadow halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo xooggan labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana AMISOM ay sheegtay inay ku waayeen dagaalkaas shan ka mid ah askartooda.

9/2/2012 4:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maraakiib dagaal ayaa xalay fiidkii duqeymo ka geeystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ku dhacay qayhbo ka tirsan Kismaayo, waxaana mas'uuliyadda duqaeyntan sheegtay ciidamada AMISOM.