4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo dood adag ka yeeshay Shuruudo lagu xiray Murashaxiinta xilka Madaxweynaha
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dood adag ka yeesheen maanta qodobka dhigayay in murashaxu uu kalsooni ka haysto laabatan xildhibaan, iyadoo xildhibaanadu ay aad uga doodeen qodobkan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka uuna shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa ka qaybgalay 207 mudane oo ay ka mid yihiin guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa soo jeediyay in laba qodob oo kala ah in murashaxu uu kalsooni ka haysto labaatan mudane iyo in hal xildhibaan uu kalsooni siin karo saddex murashax ayaa waxaa aad uga dooday xidlhibaannada, doodda kaddib ayuu guddoomiyaha baarlamaanku geliyay cod.

Xildhibaano gaaraya 130 mudane ayaa u codeeyay in hal xildhibaan uu kalsoonida siin karo saddex murashax, iyadoo 25 mudane ay soo jeediyeen in xildhibaanku uu kaslooni siin karo hal murashax oo keliya, hal xildhibaan ayaa diiday, saddex kalena way ka aamuseen.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in qodobka ay xildhibaannada inta badan u codeeyeen uu yahay midka ansaxa ah, iyadoo markaas kaddib ay xildhibaannadu gudo galeen dood kale oo ku saabsan sida laga yeelayo hoggaamiye kooxeedyadii ay guddiga farsamadu horay ugu diideen inay baarlamaanka mid noqdaan.

Lama oga go'aanka uu baarlamaanku ka qaadan doono arrintan, waxaase ay tani kusoo beegmaysaa iyadoo maxkamadda sare ay xubnahaan siisay aqoonsiga ka mid noqoshada baarlamaanka balse ay sugayaan in la dhaariyo si ay cod u yeeshaan.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka dalbaday wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka xukuumadda uu waqtigeedu dhammaanayo inuu baarlamaanka u soo gudbiyo dastuurkii ay meel mariyeen ergadii loo xulay ansixinta dastuurka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya