4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Maxkamadda sare ee Somaliland oo soo saartay go’aan ah in Ururadii Dacwoonayey ee la reebay aysan buuxin shuruudihii laga rabay
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aamisay in ururadii qiimeynta ku hadhay aanay buuxin shuruudihii laga rabay  ururadda siyaasadda ee ka qaybgalaya tartanka doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.

Gudoomiyaha maxkamadda Sare garyaqaan: Yuusuf ismaacii Cali, ayaa sheegay in markii ay maxkamadda sare dib u eegis ku samaysay dacwadihii ay ururadii qiimeynta ku hadhay usoo gudbiyeen maxkamada aanay buuxinin shuruudihii lagama maarmaanka u ahaa in loo aqoonsado urur siyaasadeed ka qaybgalla doorashooyiinka golaha deegaanka ee soo socda.

Haseyeeshee, ururaddan maxkamadda sare sheegtay inay ku hadheen shuruudhii laga rabay, ayaa go’aankaasi ay ku ayidayaan guddidii diiwaangelinta ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog, isla markaana horaba wakhtiga looga lumiyey loona habsaamiyey, maadaama oo wakhtigii loo qabtay ururada inay liiska musharaxiintooda soo gudbiyaan ka hadhsan tahay 12 cisho.

Ururadan ku tilmaamay cadaalad darada go’aankaasi ayaa waxa ka mid ahaa ururka, HORYAAL, JAMHUURIGA, NDP iyo UDHIS, waxaanay sheegeen inay xukuumaddu soo farogalisay garsoorka, isla markaana siday rabtay uun u xukumeen, waxaanay tilmaameen inay markii horaba sii garanayeen balse ay nidamka dalka u yaallo uun marayeen si ay sharciga u hogaansamaan.

“maxkamad raagtay waa cadalaad la’aan way raajisay go’aankii aanu ka sugaynay, ta labaad qoladii Diiwaangelinta ee aanu ka dacwoonaynay go’aankoodii qaloocay uun bay ku ayiday oo ay raacday”ayuu yidhi ,Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah ururadda siyaasada hadhay oo warbaahinta la hadlayey.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankan ay maxkamaddu maanta gaadhay ayaa ku soo beegmaya xilli ay gebogabo ku jiraan muddadii loo qabtay ururada iyo xisbiyadda inay ku soo xareeyaan musharaxiintii tartanka doorashooyinka uga qaybgali doona golaha deegaanka, isla markaana ma jirto meel kale oo ay uga wareegi karaan oo aan ka ahayn inay ururada iyo xisbiyada jira ku kala biiraan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland