4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya oo Maanta lagu aasay Magaalada Addis Ababa kaddib laba Todobaad Geeridiisa
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa maanta oo Axad ah kaniisad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku aasan yihiin xubno uu ka mid yahay boqorkii hore ee Itoobiya, Hayle Salaase.


Aaska ka hor ayaa waxaa naxashka uu ku jiray maydka Zenawi oo 12 maalmood ka hor ku geeriyooday dalka Belgium la dhigay fagaaraaha Masker oo bartamaha Addis Ababa ku yaalla, waxaana halkaas hadallo ka jeediyay madax ka socday dalalka Afrika iyo kuwo ka socday dalal kale oo caalamka ka tirsan.

Madaxa ka qaybgalay sagootinta maydka Zewani oo 57-jir ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa: madaxweyaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ra'iisul wasaare, C/weli Maxamed Cali, madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo).

Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa xafladda sagootinta madaxweynayaal ka socday in ka badan 20 dal oo Afrikaan ah, mas'uuilyiin horay xilal uga soo qabtay Afrika iyo kuwo kale, kuwaasoo sheegay in Zenawi uu ahaa halyey ka baxay Afrika.

Dadweyne fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa iyaguna ku sugnaa goobta maydka uu yaallay, kuwaasoo qaarkood ooyay, waxaana sagootintu la joojiyay kaddib markii uu da'ay roob aad u xooggan, kaasoo sababay in lagu kala tago goobta.

Maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya oo ay galbinayeen mootooyin iyo fardo la sharaxay ayaa ka qaaday goobtii lagu sagootinayay, waxaana hadal kooban kasoo jeediyay ra'iisul wasaaraha xilka la wareegaya, Hailemarium Disaleng isagoo xusay in Zenawi uu ahaa mas'uul weyn oo ay waayeen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya 47-jir ah ayaa waxaa loo dhaarin doonaa ra'iisul wasaaraha dalkaas saddexda sano ee soo socota, iyadoo la filayo inuu ku wado howsha dalkaas waddadii uu Zenawi ka tagay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya