4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo joojiyay lacago Canshuuraad ah oo laga qaadi jiray Ganacsatada Magaalada Baladweyne
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobolllka Hiiraan ayaa wada hadal kadib sheegay in ay ugu danbeytii isku afgarteen in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo lacago canshuur ah oo laga qaadi jiray ganacsatada ku dhaqan magaalada Baladweyne.

Taliyaha saldhiga baliiska maamulka gobollka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla ayaa warbaahinta u sheegay in kulan gaar ah oo ay maanta yeesheen saraakiisha iyo mas'uuliyiinta maamulka gobollka uga wada hadlleen sida uu hadalka u dhigay qaladaad ka jira canshuuraha laga qaado ganacsatada degmada Baladweyne.

"Waxaan isku afgaranay dhamaan mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan, laga bilaabo maanta in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo lacagihii canshuurta ee laga qaadi jiray ganacsatada degmada Baladweyne, kadib markii la arkay qaladaad badan iyo is bar bar yaac ka jira qaadista canshuurta,’’ ayuu yiri taliyaha saldhiga baliiska.

Waxaa uu sheegay ilaa laga soo saarayo amar danbe aan la ogolaan doonin in laga qaado ganacsatada lacago canshuur ah, isaga oo intaa ku darray in marnaba maamulka raali ka noqon doonin in ganacsatada ay bixiyan lacag aan wax nidaam ah ku saleysneyn.

"Ganacastada waxaan leenahay laga bilaabo maanta lacag aad bixin kartaa ma jirto, haddii aad aragtaa ciidamo ka tirsan maamulka oo canshuur qaadaya waa in aad soo wargalisaan saraakiisha baliiska, ciidamadana waxaan fareynaa in ay soo qabtaan cid kasta oo canshuur qaadeysa ayuu yiri,’’ sidaas waxaa yiri Cali Dhuux oo ah taliyaha booliiska gobolka Hiiraan.

Warka ka soo baxay saraakiisha maamulka gobollka ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyayba ay jirtay cabasho ay muujinayeen ganacsatada magaalada Baladweyne oo warbaahinta u sheegay in ay ku jahwareereen qaabka loo qaadayo lacagah canshuurta, waxaana marar badan jiray kulamo dhaxmaray ganacsatada iyo maamulka degmada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya