4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Burcadbadeedda Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac u geystay shaqaalaha Markab ay sannado afduub ku haysteen
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Burcadbadeedda Soomaalida ayaa toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Siiriya oo ka mid ahaa shaqaale la socday markab ay laba sano afduub u haysteen, waxayna dhaawaceen mid kale oo shaqaalaha markabka ka mid ah.

Taliyaha burcadbadeedda haysta markab oo lagu magacaabo Xasan Cabdi ayaa sheegayu in sababta ay u dileen ruuxa ka tirsan shaqaalaha markabka midka kalena ay u dileen ay tahay dib u dhac ku yimid lacago madaxfurasho ah oo ay markabka ka doonayeen.

"Dilkan waa farriin aan u dirayno milkiilayaasha markabka oo bixin waayay lacagaha madaxfurashada ah ee aan ka doonayno," ayuu yiri Xasan Cabdi. "Toogashadu way sii socon doontaa haddii been naloo sheego -- ma doonayno in dulqaadka aan sii wadno. Laba sano way nagu filan tahay," ayuu si caro leh u yiri.

Markabka ay burcadbadeeddu afduubka ku hastaan oo lagu magacaabo MV Orna ayaa waxaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxayna burcadbadeeddu ay kasoo qabsadeen xeebaha jasiiradda Sychelles bishii Diseember ee sannadkii 2010.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in maydka ninka la dilay oo la sheegay inuu ahaa kabtankii markabka iyo dhaawaca ruuxa kale ay gacanta ku hayaan kooxihii dilay, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay shirkadda iska leh markabka.

Ninka u hadlay kooxaha burcadbadeedda ah ayaa sheegay in bishii May ee sanadkii hore uu markabka ka kacay dab ka dhashay kushiinka ama qolka raashinka lagu karsado, kaasoo keenay in shaqaalaha markabka dibadda loo daadgureeyo.

Afhayeenka ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, Lt. Cmdr. Jacqueline Sherriff ayaa sheegay inay maqleen dilka loo geystay shaqaalaha la socday markabka, balse ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo intaas ka badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya