4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Golaha Wakiiladda oo mar kale dib u celiyey Xeerka kootada Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay laga siin lahaa Baarlamaanka
Axad, September 02, 2012 (HOL) —Mudanayaasha Golaha Wakiilada  Somaliland, ayaa laalay in lagu daro ajandaha kalfadhiga 19aad ee golaha wakiiladda kootadda kuraasta ah ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay laga siin lahaa  baarlamaanka.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiiladda Md: Baashe Maxamed Faarax oo shirgudoominayey golaha ayaa qodobka ajandaha ku jiray ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay kooto kuraas ah looga siin lahaa golaha Wakiiladda ka hor yimid, isla markaana dib u celiyey, waxanay sheegeen inay ka hor imanayso dastuurka Somaliland, isla markaana loo baahan yahay in wax kasta  oo ka hor imanaya ay sharci daro tahay.

Gudoomiye ku ixgeenka ayaa cod u qaaday in la laalo qodobkan iyo in lagu daro ajandaha, balse inta badan mudanayaasha ayaa u codeeyey in la laalo qodobkan, isla markaana ansixiyey qodobada kale ee ajandaha ku jira, kaas oo maalmaha oo socoda laga doodi doono.

Xeerkan kootadda looga dhigay haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay ayaa waxa golaha hor keenay madaxweynaha Somaliland si loo ansixiyo, balse waxa laba jeer oo hore dib u celiyey golaha, kuwaas oo tilmaamay in aanu sharcigu dhigeyn in haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay xubno u gaar ah kooto loogu xidho.

Dhinaca kale, waxa diidmadan golaha wakiiladda ee kootadda haweenka cambaareeyey haweenka somaliland, waxaanay shirjaraa’id oo ay ku qabteen xarunta ururka ay ku bahoobeen ee Negaad Network ku cambaareeyey go’aankaasi ay ku diideen goluhu, waxaanay sheegeen inay khalad tahay in kuraasta haweenka loo diido.

Si kastaba ha ahaatee, diidmadan ka yimid mudanayaasha wakiilada ayaa waxay niyad jab ku noqonaysaa haween weynaha Somaliland, kuwaas oo si weyn u danaynayey kootadda, maadaama dhaqanka soomaalidu aanu u saamaxeyn in haweenka loo doortay xilalka sarsare ee dawladnimada, taasina ay keentay in haweenku ku soo bixi waayaan wakhtiyada doorashooyinka, iyadoo hore golaha wakiilada oo 82 mudane ka kooban ay haweenku laba dumar ah oo kaliya ku leeyihiin, ka dib markii musharaxiintii haweenka ahayd ee u sharaxnaa golaha Wakiladda ay dadku u codeyn waayeen.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland