4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Tababar Umulisonimo ah u soo gaba-gabeyasay Haween ka kala yimid Gobollada Dalka



Axad, September 02, 2012 (HOL) — Tabarkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ka howgala dalka, waxaana tababarkan ka faa'iideystay 12 haween ah oo ka kala yimid gobollada dalka.

Umulisooyinkan ayaa ka kala yimid gobollada gobollada Banaadir, Gedo, Shabellada Dhexe, Bay, Bakool iyo Shabellada Hoose, iyadoo sheegeen inay faa'iidooyin badan oo aysan horay u ogeyn ay ka heleen tababarka.

“Tababarkan waxaan ku baranay waxyaabaha ay hooyada iyo dhallaanku u baahan yihiin sida: In ciddiyaha la iska jaro xilliga ummulinta, qalabka qalliinka oo lagu dhaqo biyo kulul iyo kalooriin, nafaqeynta carruurta, in la cabbiro dhiigga hooyada ka hor xilliga ummulinta iyo waxyaabo kale oo badan,” ayay tiri mid ka mid ah haweenkii loo soo gabgabeeyay tababarka.

Masuul ka tirsan shirkadda Hormuud, Cali sheikh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo hadal ka jeediyay xiritaanka tababarka ayaa sheegay inay tababarkaan ugu talo-galeen sidii lagu xoojin lahaa aqoonta umulisooyinka dalka, waxaanan guddoonsiinnay qalab ka caawinaya umulinta.

Haweenka umulisooyinka ah ayaa uga mahadceliyay shirkadda Hormuud tababarka ay siisay; iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay gobolladii ay ka yimaadeen ula laabtaan aqoon ka badan tii ay horay u yiqiinneen.

Waa markii ugu horreysay oo shirkadda Hormuud ay tababar noocan oo kale ah siiso haweenka ka shaqeeya umulinta, iyadoo shirkadda horay looga bartay inay caawiso isbitaallada ka howlgala magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya