4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Maraakiib Dagaal oo xalay duqeyay Magaalada Kismaayo iyo cabsi weyn oo haysata dadka ku nool degmadaas
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maraakiib dagaal ayaa xalay fiidkii duqeymo ka geeystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ku dhacay qayhbo ka tirsan Kismaayo, waxaana mas'uuliyadda duqaeyntan sheegtay ciidamada AMISOM.

Maraakiibta oo la sheegay in ay ahaayeen laba markab oo ku sugnayd duleedka marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay magaalada kusoo tureen ilaa afar gantaal, kuwaasoo ku dhacay afaafka hore ee Dekedda iyo weliba xaafadda xeebta saaran ee Calanleey.

Illaa imika ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaasi, waxaana gantaallada ay ridayeen Maraakiibtu ay ku dhaceen dhul bannaan, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal ku sugan magaalada Kismaayo.

Shacabka magaalada Kismaayo oo markii horeba cabsi ka qabay dagaallada ka holcaya galbeedka gobolka Jubada Hoose ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha ay Maraakiibta AMISOM ka bilaabeen Jubooyinka, waxaana dadka intooda badan ay bilaabeen in ay isaga barakacaan magaalada.

Dhanka masuuliyiinta Al-shabaab ee Jubooyinka ilaa imika wax faahfaahin ah kama bixin duqeymaha ay Maraakiibta dagaal xalay ka geeysteen Kismaayo.

Afhayeenka AMISOM Col Cali Aadan Xaamud oo wareysi siiyay idaacadda Shabelle ayaa sheegay in duqeymihii xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ay iyagu ka danbeeyeen, wuxuuna xusay in duqeymahaasi ay ka lahaayeen ujeedooyin.

Afhayeenka ayaa sheegay in Maraakiibtu ay bartilmaameedsanayeen saldhigyada ay Al-shabaab ku leeyihiin magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in uusan garanayn khasaaraha Al-shabaab kasoo gaaray duqeymahaasi.

Gobollada Jubooyinka ayaa waxaa ka jiro dagaallo  u dhexeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab, waxaana dagaalladaasi ay sabaabeen khasaarooyin lixaad leh oo kala gaara labada dhinac iyo weliba barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka ku dhaqan goobaha lagu dagaalamayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya