4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2012
Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo Alle ha u naxariisteen Inj. Cali Xaaji Shirwac oo ka furmay Magalada Gaalkacyo


Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo wax qabadkii Alle ha u naxariistee Eng Cali Xaaji Shirwac ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka kubada cagta Cawaale ee degmada Gaalkacyo.

Cabdiqani Khaliif Carabeey oo wakiil ka ahaa hay’adda HIRDA ee tartanka soo qaban qaabisay ayaa sheegay in marka la eego tartanka uu noqon doono mid ka duwan kuwii sanadlaha ahaa oo ay horay hay’addu u qaban jirtay.

"Tartankan waa mid ka duwan kuwii ay horay u qaban jirtay hay’adda, waa tartan lagu maamusayo laguna xasuusanayo wax qabadkii balaarnaa ee Alle ha u naxariisteen Inj. Cali Xaaji Shirwac,’’ ayuu yiri C/qani Carrabeey.

Sidoo kale, Inj. Max’ed Abshir Garboole oo ka hadllay furitaanka tartanka ayaa faah faahin ka bixiyay wax qabadkii balaarnaa ee marxuum Cali Xaaji Shirwac, gaar ahaan gacantii uu ku lahaa hormarinta adeegyada bulshada sida dhismaha garoomada, isaga oo sheegay in uu qeyb weyn ka qaatay dhimihii garoomada diyaaradaha Gaalkacyo, Berbera, Caabud-waaq, N050, iyo kuwa kale oo uu gacanta ku hayay dhismahooda.


Alle ha u naxariisteen Eng Cali Xaaji Shirwac ayaa ka mid ahaa howl-wadeenada hay’adda HIRDA ee tartankan soo qaban qaabisay, waxaana ay mas’uuliyiinta hay’adda wada jir u sheegeen in uu ahaa shaqsi aan marnaba la iloobi karin.

Tartanka kubada cagta ee ka furmay degmada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyay 21ka bishan aynu ku jirno, sida ay sheegeen qaban qaabiyayaasha tartanka.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa 2-dii bishii Augusto 2012 waxaa ay ku toogteen magaalada Baladweyne Eng Cali Xaaji Shirwac, kadib markii ay ku weerareen xarun uu ku lahaa magalada.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya