4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2012
Cuqaal iyo waxgarad ku shiray Boosaaso oo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka Puntland

Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen cuqaasha iyo waxgaradka 4 degmo oo ka kala tirsan gobolada Bari iyo Karkaar, kuwaas oo kala ah: Baargaal, Waaciye, Ufeyn iyo Rako.

Guddoomiyaha nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) oo isagu kulankan shir gudoominayey, ugu horeynna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedadiisa ugu weyni ay tahay sidii ay u muujin lahaayeen mowqifkooda ku aadan qodob ay ka biyo diidsan yihiin oo ku jira xeerka doorashooyinka ee uu dhowaan golaha Baarlamaanku meel mariyey.

Qodobkaas oo dhigaya in doorashada goleyaasha deegaanku aysan si isku mid ah uga qabsoomi doonin degmooyinkii jirey burburkii dowladdii Mileteriga kahor oo ah 21 degmo iyo kuwa la magacaabay intii u mamulka Puntland dhisnaa oo iyaguna ah 16, ayuu nabadoon Xarago tilmaamay in uu yahay mid aan cadaaladda ku saleysneyn.


Caaqil Axmed Xaaji Maxamuud oo isna qayb ka ahaa odayaashii goobta ka hadlay, ayaa xusay  in cid walba oo wax tebeysaa ay xaq u leedahay in ay cabashadeeda soo gudbiso si loo arko waxna looga qabto.

Wuxuuna intaas raaciyey in kulankan iyo kuwii ka horeeyeyba aysan ahayn kuwo siyaasadeed oo lagu durayo xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), balse ay yihiin kuwo ku aadan sidii loo shaacin lahaa in xeerka doorashooyinku uu yahay mid mudan in dib u eegis lagu sameeyo.

“Ujeedada baaqani waa mid ku saleysan xuquuq raadis, ee ma ahan mid siyaasadeed  oo cid gaar ah lagu durayo, waa baaq ka yimid dadka tebaya in ay wax ka maqan yihiin, wax intaas dhaafsiisani kuma jiraan” Caaqil Axmed Xaaji ayaa yiri.


Ugu  danbeyntii waxay cuqaashii iyo waxgaradkii kulankan kasoo qayb galay si wada jir ah usoo saareen baaq ka koobnaa dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen.
  1. In laga run sheego dimuqraadiyadda, lana dhowro Dastuurka.
  2. In dib u eegis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka.
  3. In la dhowro midnimada, meelna looga soo wada jeesto wax walba oo aan guud ahaan bulshada u adeegeyn.
Xeerka doorashooyinka Puntland oo isagu ahaa mid ansixintiisa uu Baarlamaanku caqabado dhowr ah kala kulmay, waxaa jira qaybo kamid ah bulshada oo sheki xoogan ka muujinaya, inkasta oo ay dowladu sheegtay in uu yahay mid aysan wax dhibaato ahi ka iman doonin.





Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya