4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2012
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo beeniyay in Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdsiho uu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed

Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Sam Ongeri ayaa iska diiday in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee toddobaadkii hore lagu weeraray hoteel uu deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Ongeri oo wariyeyaasha kula hadlayay Nairobi ayaa sheegay in wararkii ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa gudaha Kenya qaarkood aysna ahayn run, ayna ahaayeen kuwo lagu doonayay in sharaftiisa wax loogu dhimo.

"Sidee anigu hadalkaas oo kele u sheegi karaa, iyadoo madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee noogu yimid hoteelka, sideen u eedeyn karaa, maxaana ka faa'iidayaa inaan warkaas oo kale iraado? ayuu Ongeri isweydiiyay.

Wasiirka ayaa shirka jaraa'id qabtay kaddib markii safiirka Soomaaliya ee Kenya uu u gudbiyay warqad cabasho ah oo ku saabsan hadalkan. Iyadoo la xusuuto in sidoo kale uu ka hadlay arrintan madaxweynihii la eedeeyay Shariif Sheekh Axmed isagoo iska fogeeyay arrintaas.

Shariif Sheekh ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in tuhunka intaas le'eg laga qaado lana sheego warkaas, isagoo sidoo kale Kenya ku eedeeyay inaysan dhex-dhexaad ka ahayn doorashooyinkii Muqdisho ka dhacay ayna isaga kasoo horjeedday.

Sam Ongeri ayaa iska fogeeyay inuu hadalkaas yiri. "Waxaan doonayaa inaan u xaqiijiyo Shariif Sheekh Axmed, inaanan hadalkaas oo anigu oran. Aana dhici karin hadalkaas oo kale."

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya iyo wafdi la socday ayaa ku sugnaa hoteelka xilliga ay qaraxyada ismiidaaminta ah dhacayeen, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarka madaxdii hoteelkaas ku sugnaa.

"Halkan waxaan ka caddeynayaa in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid aad u wanaagsan, xitaa haddii Shariif Sheekh uu soo booqdo Kenya waxana u soo dhaweyn doonnaa si la mid ah sida aan u soo dhaweyno madaxda adduunka," ayuu Ongeri hadalkiisa ku daray.

Weerarkaas Ismiidaaminta ahaa ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, waxaana ku dhintay sagaal qof oo ay ku jireen laba askarta AMISOM ka tirsanaa, saddex kuwa Soomaaliya ka mid ahaa iyo qof shacab ah, waxaana sidoo kale ku dhintay saddex qof oo weerarka soo qaaday, kuwaasoo midkood la toogtay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya