4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2012
AMISOM oo sheegtay in ciidammo Booliis ah oo ka socda dalka Nayjeeriya ay ku soo biireen Howlka Midowga Afrika ee Somalia
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay maanta in ciidammo booliis ah oo ka soda dalka Nayjeeriya oo isugu jira rag iyo dumar ay kusoo biireen howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Muqdisho, kuwaasoo ku biiri doona booliis horay ugu sugnaa Muqdisho oo ka socda dalka Uganda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadan ay soo gaareen Muqdisho 16k-kii bishan oo ahayd maalintii la caleemo-saarayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

"Ciidamadan ka socda dalka Nayjeeriya waxaan rajeynayaa inay qayb ka qaadan doonaan howlgalka lagu doonayo in Soomaaliya nabad looga dhigo, waxaana uga mahadcelinaynaa shacabka iyo xukuumadda Nayjeeriya ciidamada ay soo direen," ayuu yiri ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Abuubakar Diarra oo qeexayay sida uu u arko ciidamadan cusub ee howlgalka kusoo biiray.

Qoraalka AMISOM kasoo baxay ayaa lagu sheegay in horay ay Soomaaliya ugu sugnaayeen saraakiil ka socda dalka Uganda, booliiskanna ay kusoo biireen, balse ma aysan sheegin tirada ciidamadan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay ugu sugnaa 240 booliis ah oo ka socday dalka Uganda, kuwaasoo ka howgalka saldhigyada Muqdisho qaarkood, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo booliis hoostagaya Midowga Afrika ay ka howgalaan dal Afrikaan ah.

Ergaygu AU-da ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto howlgalkeeda Soomaaliya inta laga soo celinayo ammaanka iyo kala dambeynta, isagoo sheegay in booliiskan cusub ay dhiirrigelinayaan nabad laga dhaliyo Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo ciidammo ka socda dalka Nayjeeriya oo ku yaalla galbeedka Afrika uu yimaado magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo la xusuusto in dalkan uu dhowr jeer oo hore sheegay inuu ciidammo nabad ilaalin ah u soo dirayo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya