4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2012
Ururrada Bulshada Rayidka oo ka hadlay sidii gargaarka lagu gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaanadii laga saaray Al-Shabaab
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Ururada bulshada rayidka Banaadir ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay kaga hadleen sidii gargaar bani'aadanimada lagu gaarsiin lahaa deegaannada Al-shabaab laga saaray iyo sidii looga hortegi lahaa in gargaarkaas la leexsado.

Kulankan oo ay soo agaasintay hay'adda CCD ayaa xubnihii ka qeyb-galay waxay farriin iyo talooyin ugu soo jeediyeen hay'adaha samafalka inay si deg-deg ah u gaarsiiyaan deegaanadii laga saaray Al-shabaab gargaar bani'aadanimo.

Guddoomiyaha dallada bulshada rayidka Banaadir Muxiyadiin Xasan Afrax oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay dhibaato tahay in xilligan laga hor-istaago dadkii u baahnaa mucaawinadda, isagoo xusay in Al-Shabaab ay go'doon geliyeen dadkii barakacayaasha ahaa.

"Hay'adaha samafalka waxaan ugu baaqeynaa inay dadka dhibaateysan gargaar bani'aadmnimo gaarsiiyaan, gaar ahaan goobihii Al-Shabaab laga saaray," ayuu yiri Afrax oo intaas ku daray in laga hortago in gargaarkaas la leexsado ama la lunsado.

Sidoo kale, C/kariin Cali Macallin oo ku hadlayay magaca dhalinyarada dallada ayaa sheegay in dadka barakacayaasha ah aysan lug ku lahayn siyaasadaha isdiiddan ee dalka ka jira, balse sababaha Al-shabaab ay uga hor-joosatay in la gaarsiiyo gar-gaarka ay tahay mid aan iyaga ka imaan balse dibadda looga keenay.

"Al-shabaab waa dhallinyaro aan aqoon bani'aadanimada, dad aan siyaasada shaqo ku lahayn oo baahan waxaa ka dambeeya in dadka baahan gargaarka loo diido waa madaxda kooxdaas," ayuu yiri C/kariin Cali.

Xoghayaha guud ee dallada bulshada rayidka, Faadumo Aadan Cosoble oo iyaduna ka hadashay goobta ayaa sheegay in lasoo maray xilli abaaro iyo macluul adagi ay dalka ka jirtay, balse haatan loo baahan yahay in dadka la gargaaro, iyadoo xustay in 60% ay dadku u dhintaan xilligan macluul, taasoo qaarkood ku qasabtay inay ka tuugsadaan magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho oo kale.

"Barakacayaasha dhibaatada haysa xagga waxbarasho la'aanta, waxa keenay qof baahan wax ma barto, baahidaas Al-Shabaab uga faa'ideysatay inay dhallinyarada falal dil ah geystaan, iyaga is-qarxiyaan, waana ku faraxsan-nahay guulaha xilligan la gaaray," ayay tiri Faadumo Aadan.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Maxamed Maxamuud Shuqul oo ka mida ah odayaashii dhaqanka ee dalladda wuxuuna caddeeyay in barakacayaasha Al-shabaab dhankooda jooga ay xabsi ku jiraan, isla markaana si xoriyad ah aysan u heli karin gargaarka samafalka ah.

Ugu dambeyn, Sheekh Axmed Abuukar Gaabow ayaa ku tilmaamay kulankan in lagu soo beegay xilligeeda, waxaana uu tilmaamay in Al-Shabaab ay gabogabo yihiin, ummaddana ay masiibo loosoo diray yihiin, waxaana hay'adaha samafalka ugu baaqay inay u gurmadaan dadka dhibaateysan.

Kulankan wuxuu imaanayaa iyadoo ay dadaal weyn ugu jiraan ciidamad dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo AMISOM ka tirsan ay qarka u saaran yihiin magaalada Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ahayd goob ay awood badan ku leedahay Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya