4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2012
Xubno cusub oo dhowaan kusoo biiray golaha wasiirada Puntland oo maanta la dhaariyey.


Isniin, September , 17, 2012 (HOL)- Xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe waxaa maanta lagu dhaariyey xubno cusub oo dhowaan uu madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole kusoo daray golaha wasiirada. Mas’uuliyiintan oo ay  tiradoodu 6 tahay ayaa isugu jira 2 wasiir iyo 4 wasiir ku-xigeen.

 

Munaasabadda dhaarinta ayaa kusoo beegan tahay furitaanka shirka tolobaadlaha ah ee ay golaha xukuumaddu isugu yimaadaan maalin walba oo Isniin ah, waxaana shir gudoominayey madaxweynaha iyadoo madaxweyne ku xigeenkuna uu goob joog ahaa.

 

Wasiirada iyo wasiir ku-xigeenada cusub ee la dhaariyeyna waxay kala yihiin:

 

1- Saleebaan Maxamuud Siciid – wasiiru dowlaha dalxiiska, deegaanka iyo duurjoogta.

 

2- Maxamuud Caydiid Dirir – wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, hidaha iyo dhaqanka.

 

3- Caasho Maxamed Axmed – wasiir ku-xigeenka haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska.

 

 

4- Jaamac Yaasiin Jaamac- wasiir ku-xigeenka waxbarashada.

 

5- Yuusuf Cali Siciid – wasiir ku-xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.

 

6- Axmed Ibraahim Cabdiraxmaan – wasiir ku-xigeenka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah.

 


Madaxweyne Faroole oo dhaarinta kadib war fidiyeenada la hadlay, ayaa si kooban uga warbixiyey isku shaandheyntii uu labo beri kahor ku sameeyey golaha wasiirada.

 

Wuxuuna sheegay in ay wax iska caadi ah tahay in hadba mar golaha dib u habeyn lagu sameeyo, islamarkaana ay muhiim tahay in qofkii howshiisa si wanaagsan u gudan waaya qof kale oo ka howl karsan lagu soo bedelo. 

 

“Cusbooneysiinta golaha wasiiradu mid cid loogu daraanayo ma ahan, mid cid gaar ah loogu eexanayana ma ahan, waxa weeyey sidii dhaqanku ahaan jirey mid la isugu qiimeynayo shaqada meesha ka socota iyo waayaha cusub ee uu dalku galay” madaxweyne Cabdiraxmaan ayaa yiri.

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey: “Xilalka dowladda waa loo siman yahay, hadba nin baa yimaada  nin kalena wuu ka baxaa. Waxaa lagama maarmaan ah in dad isla jaanqaadi karaa ay isla shaqeeyaan, mudooyinkii u danbeeyeyna waxan u janjeernay dhanka dhalinyarada, jiil cusub baa soo gelaya meesha oo is bedel baa socda”

 

Labo beri kahor ayey ahayd markii uu madaxweynaha Puntland isku shaandheyn ku sameeyey goalaha wasiirada, islamarkaana uu xilalka ka qaaday mas’uuliyiin dhowr ah oo wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno isugu jirey.



 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Somalia