4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2012
Burcad Koonfur Afrikaan ah oo Gabar Soomaaliyeed oo uur lahayd kufsi iyo dil ugu geystay Magaalada Port Elizabeth

Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Gabar Soomaali ah oo lahayd uur sagaal bilood ah ayaa lagu dilay magaalada Port Elezaberth ee dalka Koonfur Africa kaddib markii kooxo huubeysan ay u galeen guriga ay ka degenayd magaaladaas.

Dhaqaatiirta Koonfur Afrika ayaa caddeeyay inta aanan la dilin gabadha in la fara-xumeeyay isla markaana ay rag badan u galmoodeen; iyagoo markii dambe u yeeray booliska daabaca faraha kuwasoo iyagana sheegay inay heleen faro rag kuwaasoo baaritaan lagu sameynayo si loo helo kuwii ay ahaayeen.

Waa dhacdo xanuun badan isla markaana noqonaysa tii labaad ee kufsi lagula kaco haweeney Soomaaliyeed; iyadoo Soomaalida Koonfur Africa aysan weli illaawin hooya Soomaaliyeed iyo saddex caruur ah oo ay dhashay oo sidan oo kale loogu dilay dalka isla magaalada Port Elezaberth.

Hadaba qaar ka mid ah madaxda Jaaliyada Soomaalida Koonfur Africa oo aan kula kulanay Cape Town ayaa sheegay in ay aad ugu xunyihiin isla markaana fariin u diray Dowlada South Africa iyo Tan Soomaaliya.

Guddoomiyaha jaaliyadda banaadiriga ee Koonfur Afrika, Muuse Muudde Afrax ayaa sheegay inay aad ugu xun yihiin isla markaana dadkii sameeyay falkaasi lasoo qabto lana horkeeno sharciga.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Maalin oo ku magac-dheer Sanka kana mid ah madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa dowladda dalkaas ugu baaqay inay wax ka qabato falalka noocan oo kale ah kuwaasoo xad-dhaaf noqday, maadaama loosoo dhigtay hablaha Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa maalin kasta maqlaya ama arkaya wax ku cusub isla markaana iyagoo niyad-jabay iyo quus ka jooga inay dalkaas kusii noolaadaan.

Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika