4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2012
Dabley wiil dhallinyaro ah ku dilay degmad Shibbis ee Gobolka Banaadir iyo ciidamada dowladda oo qaarkood qabtay

Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Zakariye Maxamed Maxamuud kaddib markii ay ku weerareen maqaayad uu ka casheynayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay dhowr jeer ku laabteen maqaayada intii marxuumka la dilay uu casheynayay, waxaana markii dambe ay ku dhufteen dhow xabadood, kuwaasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

"Dilku wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana geystay afar ruux. Ciidamada dowladda ee degmada ku sugan waxaa u suurogashay inay qabtaan saddex ka mid ah kooxihii dilka geystay oo midkood uu dhaawac yahay," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Shibbis.

Mid ka mid ah kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo saraakiisha booliiska degmadaas ay sheegeen inay qabteen ruuxii xabbada ku dhuftay wiilka dhallinyarada ah, waxaana falkan uu ka mid noqonayaa falalka ammaan-darrada ah ee ka dhaca Muqdisho.

Degmada Yaaqshiid ayaa waxay ka mid ahay degmooyinkii ay sannadkii hore ka baxday Al-shabaab, waxaana tan iyo markii ay dadkii horay uga barakacay dib ugu laabteen ka dhacay falal ammaan-darro oo lagu dilay dad badan oo ay askari ku jirto.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan degmada Shibbis ayaa sheegay in saddex ruux ee ay qabteen iyo midka baxsadayba ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, iyagoo xusay inay raadinayaan midkii baxsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya