4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2012
AMISOM oo raalli-gelin ka bixisay shil uu mid ka mid ah gaadiidkeeda ciidamada uu ku dilay wiil dhallinyaro oo ah Soomaaliyeed

Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada Midowga Afria ee AMISOM, Jen. Adrew Gutti ayaa raalli-gelin ka bixiyay shil uu mid ka mid ah gaadiidkooda ku dilay wiil dhallinyaro ah shalay oo Axad ahayd, xilli ay socotay munaasabad lagu caleemo-saarayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Jen. Gutti ayaa sheegay in AMISOM ay markii uu shilku dhacayba ay la xiriirtay booliiska Soomaaliya ayna ku wargeliyeen in gaadiidkooda mid ka mid ah uu dilay wiilka oo magaciisa lagu sheegay Cali Maxamuud Goobdoon.

"Waan ka xunnahay shilkan dhacay. Waxaana qoyska uu ka baxay u diraynaa tacsi," ayuu yiri Jen. Gutti, iyadoo goobjoogayaal ku suganaa haka uu shilku ka dhacay ay sheegeen in gaarigu uu wiilka Soomaaliyeed ka maray madaxa iyo dhabarka.

Darawalkii waday gaariga shilka geystay ayaa la sheegay inuu argagaxay markii uu shilku dhacay, waxaana AMISOM ay sheegtay in baaritaan lagu sameynayo sida uu ku dhacay shilkan uu naftiisa ku waayay wiilka Soomaaliga ah.

"Inkastoo ay dhib badan tahay in gaadiidka waaweyn ay dhexmaraan Muqdisho, haddana aad u yar shilalka dhaca," ayuu yiri Jen. Gutti oo hadalkiisa inay dadka jidadka waaweyn goynaya ay kula talinayaan inay si taxadar badan muujiyaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo gaadiidka AMISOM ay dad shacab ah ku jiiraan Muqdisho, sidoo kalena ay askartoodu toogasho ku dilaan dad shacab ah, balse inta badan saraakiisha AMISOM way ka hadlaan shilalkan oo kale, iyagoo sheega in baaris lagu sameynayo sidii ay u dhaceen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya