4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2012
Xaflad lagu Taageerayay Isbedelka ka dhacay Waddanka Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)


Axad, September 16, 2012(HOL): Magaalada Västerås ee gobolka Västmanland ee dalka Sweden ayaa waxaa lagu qabtay xaflad lagu taageerayay isbedelka ka dhacay dalka Soomaaliya oo hadda helay dowlad buuxda oo aan KMG ahayn.

 

Xafladda oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Somaliska United I Västerås ayaa waxaa ka qeybgalay dad aad u faro badan oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo Sweden ka tirsan, waxayna dadkani isugu yimaadeen in ay muujiyaan dareenkooda ku aaddan dalka Soomaaliya oo 22 sano kaddib ay ka dhacday dowlad lagu soo doortay dowlad madaxdeedu ay tayo aqooneed iyo mid hoggaamineed leedahay.

 

Ugu horreyn waxaa munaabasadda ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Somaliska United I Västerås Xasan Maxamed Jees, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay dadkii munaasbadda ka soo qeybgalay, kaddibna wuxuu ka sii hadlay sababta ay u qabteen munaasabadda oo uu ku kala sheegay labo arrimood oo kala ah sagootinta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo soo dhaweynta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Shiikh Maxamuud.

 


Xasan Jees waxaa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Xukuumaddiisii ay wax la taaban karo ka soo qabteen dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in waxqabadkiisii uu keentay in gudaha dalka Soomaaliya lagu qabto doorasho. Sidoo kalena wuxuu sheegay in madaxweynaha cusub ay sugeyso howl aad u adag, loogana fadhiyo in afarta sano ee soo socota uu dalka gaarsiiyo amni buuxa, horumar iyo barwaaqo.

 

Cabdullaahi Amiin oo ka mid ah Odayaasha Magaalada Västerås ayaa isna munaasabadda ka hadlay, wuxuuna sheegay in xukuumaddii hore ay dhashay nabad billow ah oo keentay in lagu dhiirrado in gudaha dalka Soomaaliya dowlad soomaaliyeed lagu dhiso, “Dadka dowlad ayaa deeqda, waxaana ugu duceynayaa madaxweynaha cusub in uu Allaah la garab-galo xilka loo doortay”ayuuna yiri Cabdullaahi Amiin.

 


Xasan Cumar Xasan oo ka socday Magaalada Katrineholm ayaa isna munaasabadda ka socday wuxuuna hadalkiisa ku billaabay, “Waan aragnaa waxa ka dhacay dalka Soomaaliya iyo ififaalaha dowladeed ee aan heysanno, sidaas darteed, waxaa nalooga baahan yahay in aan taageeradeenna muujinno oo aan weliba ka qeybqaadanno dib u dhiska dalka, iyadoo taasina aan uga qeybqaadan karno in aan haba yaraadaanee aan wax ku bixinno dalka. Sidoo kalena waa in aan suurtagelinaa in aan dowladda noo dhalatay oo ah mid ka duwan dowladihii hore in aanan laga maamulin dibadda  iyo in aan ku baaqno in aan la xadin hantida dowladda sidii horayba u dhici jirtay”.

 

Xamsa Cumar oo ka tirsan Xisbiga Center Party ee dalka Sweden ayaa munaasabadda ka hadlay, wuxuuna yiri “ Dalka Soomaaliya badbaado ayuu u baahan yahay, taasina waxay ku imaan kartaa in dadka Soomaaliyeed ee wax bartay ay dalka dib ugu noqdaan, ayna ka qeybqaataan badbaadinta dalka iyo dadka. Wuxuu soo dhaweeyay doorashada madaxtinimo ee markii ugu horreysay muddo 22 sanadood ah lagu qabtay dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in xisbi ahaan ay arrintaas si weyn u soo dhaweynayaan”.

 

Faarax Cali Macallin oo ka mid ah Odayaasha ka yimid Magaalada Katrineholm ayaa wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in heerka dowladnimo ee ay maanta dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaareen, wuxuuna xusay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxmuud oo uu si wanaagsan u garanayo uu hambalyeynayo, isla markaana uu u rajeynayo in xilka loo doortay uu Alle la garab-galo. Sidoo kalena wuxuu bogaadiyay madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed oo uu sheegay in uu u soo adkeystay in uu dalka Soomaaliya soo gaarsiiyo heerka uu maanta joogo.

 


Dr. Cali Axmed Hiraabe oo ka mid ah dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay, isla markaana ka yimid magaalada Uppsala ee dalka Sweden ayaa hadal ka jeediyay munaasabadda, wuxuuna ugu horreyn hambalyeeyay munaasabadaha lagu soo dhaweynayo isbedelka dalka ka dhacay ee ka dhacaya meelo badan oo calaamka ka mid ah.

 

Intaas kaddib wuxuu Dr. Hiraabe bogaadiyay madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed oo uu ku tilmaamay in uu noqday madaxweyne taariikhda Soomaalida baal dahab ah uga qoran, wuxuna caddeeyay in aysan dhihin weli madaxweyne xilka madaxweynenimada si xor ah uga degay, isla markaana wareejiyay wixii ku soo galay magac dowladnimo, “Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed waxaa uu wareejiyay Dahab, Lacag, Qalin, Daimond iyo dahiyado kale oo magaca dowladnimada ku soo galay”ayuu yiri Dr. Cali Axmed Hiraabe oo sheegay in Shariif Shiikh Axmed uu taariikh uga tegay Umadda Soomaaliyeed. Dhanka kalena, Dr. Hiraabe waxaa uu u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub oo uu guulna u rajeeyay.

 


Feysal Nuur Cali oo ka mid ah Siyaasiyiinta Degmada Eskilstuna ee dalka Sweden ayaa isna munaasabadda ka hadlay, wuxuuna sheegay in madaxweynaha cusub ay soo dhaweynayaan,madaxweynihii horena ay sagootinayaan. Wuxuu intaas ku daray Feysal in Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed uu wax badan soo qabtay, uuna arrintaas ku ammaanan yahay.

 

Sidoo kalena, Madaxweynaha cusub oo ka soo shaqeeyay waxbarashada qeybaheeda kala duwan ayuu ugu baaqay in uu xoogga saaro waxbaridda dalka, si buu yiri uu dalka cagihiisa isu taago, loona helo dad wax soo bartay oo u adeega dalkooda iyo dadkooda.

 

Maxamed Abuukar Shiikh Xasan (Maxamed Deeq) oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Warsan ee Dalka Holland, isla markaana booqasho ku joogay Sweden ayaa munaasabadda ka hadlay, wuxuuna soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo uu sheegay in intii uu ololihiisa madaxweynenimada ku jiray ay wada kulmeen, wuxuuna caddeeyay in uu rajo wanaagsan ka qabo in madaxweyne Xasan Shiikh uu horay u sii wadi doono Soomaaliya, horumarna uu gaarsiin doono.

 


Intaas kaddib Maxamed Deeq oo sheegay in uu dhawaan ka soo laabtay Muqdisho oo uu socdaal ku tegay ayaa sheegay in socdaalkoodaas uu ku saabsanaa in ay Muqdisho geeyaan qalab wax looga qabanayo nadaafadda, iyagoo qalabkaasna ka qaaday Dalka Holland. Soomaalida ku dhaqan dibadaha ayuu ugu baaqay Maxamed Deeq in ay ka qeybqaataan dib-u-soo celinta bilicda dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Waxaa xusid mudan in ay munaasabadda ka hadleen dad kale oo aad u badan, kuwaasi oo qudbooyinkooda ay isku mid ahaayeen, isla markaana ay ku wada saabsanaayeen soo dhweynta madaxweynaha cusub iyo sagootinta madaxweynihii hore.

 

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadda heeso waddani ah ka qaaday fannaaniin ay ka mid ahaayeen Giyaajo, Keysar Cumar Gacal iyo fannaaniin kale kuwaasi oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo Sweden ku yaalla.










 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]