4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku hanjabay inuu Xarakada Al-shabaab la dagaalami doono haddii ay diiddo Nabadda
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab ka tirsan ee Soomaalida ah inay kusoo biiraan hannaanka nabadeed ee dalka, kuwa ajnabiga ahna ay isaga baxaan dalka, isagoo sheegay in ciddii intaas diidda ay dowladdiisu la dagaalami doonto.


Xasan Sheekh ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho, isagoo xusay in dowladdiisu ay fursado shaqo u abuurayso dhallinyarada ragga iyo dumarka ee ku biiray Al-shabaab, kuwaasoo uu sheegay inay dhici karto inay ugu biireen dhaqaale la'aan, halka kuwo ugu biiray ciil ay beelo kale u qabanna ay ka shaqeyn doonto dowladdiisa sidii ay u qancin lahayd.

"Al-shabaab waxay u qaybsantaa laba qaybood, koox Soomaali ah kuwaas waxaan ugu baaqaynaa inay kasoo laabtaan falalkaas, qaybta kale ee ajnabiga ah waxaan iyagana ugu baaqaynaa inay dalkeenna isaga baxaan waayo xal aan taas ahayn uma hayno," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa dhawaan ka badbaaday weerarro is-miidaamin ahaa oo ay mas'uuliyadoodda sheegatay Al-shabaab, kuwaasoo ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ilaalinayay hoteelka uu madaxweynuhu deggenaa.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu dhammaaday casrigii is-qabqabsiga u dhexeeya dowladda lana galay casri wadashaqeyn, isagoo xusay in isaga, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha imaanaya ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan in Soomaaliya la gaarsiiyo dowladnimo buuxda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha cusub wuxuu sheegay in cadaaladda aad loo ilaalin doono, isagoo sheegay in qofkii la xukumo aanay jiri doonin cid ka daba-timaadda, sidoo kalena qofkii lagu xukumo dil toogasho lagu fulin doono maalinta la xukumay maalinta ku xigta.

Shirka jaraa'id ee uu Xasan Sheekh ku qabtay Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu qabto tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Isniintii lasoo dhaafay, isagoo wareeggii ugu dambeeyay si aqlabiyad ah uga adkaaday madaxweynihii hore oo la tartamay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya