4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2012
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qayb-galay Qalinjabinta 637 arday oo dhamaystay Jaamacadda Hargeysa

Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ay 637 arday ka qalinjabiyeen jaamacadda Hargeysa.

Ardaydan ka qalinjabisay jaamacada Hargeysa ayaa noqonaya dufcadii 9aad ee ka baxda jaamacadda, taas oo ah dufcadii ugu badnayd ee ka baxda jaamacada, iyagoo sanad walba ay kor u sii kordhayso ardayda ka baxaysa jaamacadda Hargeysa.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha jaamacadda Hargeysa Dr: Cabdi Xuseen Gaas iyo wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr: Sacad Cali Shire oo ka mid ah guddidda Jaamacadda, kuwaas oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay, ardaydana kula dardaarmay inay shaqooyinka abuurtaaan, meelo badan oo laga shaqeyn karana u tilmaamay.

Gudoomiyaha jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed oo ku hadlayey afka jaamacadaha dalka ka jira, Gudomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, wasiirka waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan, oo madasha ka hadlay ayaa dhamaantood hambalyeeyey ardayda, una rajeeyey mustaqbal fiican.


Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md: Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka mid ahaa ardaydii ka qalinjabisay ayaa isaguna ku hadlayey afka ardayda qalinjabinaysay, waxaanu sheegay inuu sanadkii labaad ee uu jaamcadad Hargeysa ka qalinjabiyo ay tahay, isago sanadkii hore dhamaystay kuuliyadda sharciga, halka uu maanta dhamaystay kuuliyadda xalinta khilaafaadka iyo Nabadda, waxaanu ardaydu ku booriyey in aanay weynaan lahayn waxbarashadu.

Sidoo kale, waxa xusid mudan ardayda  qalinjabinaysay waxa ka mid ahaa musharxa madaxweyne ee xisbiga UDUB, Cali Maxamed Warancade, wasiirkii hore boosaha iyo isgaadhsiinta, siyaasiin kale iyo xildhibaano, kuwaas oo dhamaantood uu shahaadadoodda gudoonsiiyey madaxweynuhu.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa isna u hambalyeeyey ardayda iyo waalidkii ku soo tabcay, isagoo balanqaaday inuu gacan ka gaysan doono horumarka jaamcaddan iyo guud ahaan jaamacadaha dalka.


Jaamacadda Hargeysa ayaa ah midda ugu ardayda badan jamacadaha Somaliland, iyadoo 637 arday ay ka qalinjabiyeen toban kuuliyadood oo kala duwan kuwaasoo ay jiraan 21 dhamaystay kuuliyadda caafimaadka ee dhakhtarnimadda oo 12 wiil iyo 9 hablood iskugu jiray.

Jaamacadda Hargeysa ayaa waxaa sanad walba ka qalinjabiya arday fara badan oo ay ku jiraan siyaasiyiinta hoggaanka dalka haya, waxaana sannadkii hore ka qalin-jabiyay guddoomiyaha golaha wakiiiladda Somaliland, C/raxmaan Cabdullaahi Cirro, guddoomiyaha Muuse Biixi, wasiirka maaliyadda C/casiis Samaale iyo siyaasiyiin kale oo caan ah, taasina waxay dhiiri-galin u tahay ardayda waxbaranaysa ee qaarkood ay isku fasalka yihiin madaxdoodda waxna wada dhigtaan.







Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland