Sabti, September 01, 2012 (HOL) - Musharraxa madaxtinimada Soomaaliya, Maxamed C/laahi
Farmaajo oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka dalbaday baarlamaanka
cusub ee Soomaaliya inay dhisaan guddi ku meel gaar ah oo ilaaliya hantida
qaranka inta laga soo dooranayo xukuumad cusub. Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo
|
“Baarlamaanka Soomaaliya iyo gudoomiyihiisa ayaa
maanta ah hogaamiyayaasha sharciga ah ee dalka loo soo doortay, waxaanan ka
codsanayaa inay dhisaan gudi ku meel gaar ah oo lamid ah kan doorashada, kaasoo
ilaaliya hantida qaranka, inta la helayo xukuumad lasoo doortay oo dalka
maamusha”ayuu yiri Farmaajo.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay
inay soo gaareen warar sheegaya in qaar kamid ah madaxda sare ee dalka ee
wakhtigoodu dhammaaday ay u isticmaalayaan hantida qaranka kaambaynkooda
doorashada,gaar ahaanna lacagta kasoo baxda dekeda iyo ayraboorka.
“Waxaan ka codsanayaa maareeyayaasha dekeda iyo
ayraboorkaba inay ilaaliyaan ammaanada qaranka, hantida dalkuna waa mid
shacabku uu leeyahay ee maahan mid loo isticmaali karo dano gaar ah” ayuu sii
raaciyay hadalkiisa.
Farmaajo ayaa dhanka kalana rajo ka muujiyay inuu ku
guulaysan doono doorashada soo socota, isagoo ku tilmaamay baarlamaanka cusub
ee Soomaaliya ay yeelatay mid tayo leh oo xubnaha soo galay ay intooda badan
yihiin dad aqoonyahano ah.
Dhanka kalana waxaa uu u hambalyeeyay gudoonka cusub
ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaantan la doortay, isagoo sheegay in qaabkii
ay doorashadaasi u dhacday ay muujinayso in Soomaaliya ay haatan u gudubtay
marxaladii ugu wanaagsanayd oo hogaamiyaasha dalka lagu soo xulanayo aqoon iyo
karti.
Hadalka Farmaajo ayaa ku soo beegmay maalin kadib,
markii ay gudiga doorashadu ku dhawaaqeen inay 10ka bisha Septemper qaban doono
doorashada madaxtinnimada ee dalka.
Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya