3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2012
Kooxo hubeysan oo Xerada Qoxootiga IFO ku Toogtay oday si weyn looga yaqaanay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa xalay xerada IFO oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab-Kenya ku toogtay nin oday ah oo si weyn looga yaqaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

Odayga la dilay oo lagu magacaabi jiray, Weli Diiriye Maxamuud ayaan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dilkiisa ka dambeysay, waxaase la helay mid ka mid ka mid ah qoryihii ay wateen kooxihii dilkiisa geystay.

"Dilku wuxuu ka dhacay suuqa xerada IFO oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab, kooxaha dilka geystay markiiba way baxsadeen, balse dadweynihii suuqa ku sugnaa ayaa ka daba-yaacay, waxaana la helay qori ay kooxaha dilka geystay iska tuureen," ayuu yiri goobjooge ku sugan xerada IFO.

Ciidammo fara badan oo kuwa Kenya ah ayaa goobta gaaray, iyagoo sameeyay baaritaanno aysan cidna kusoo qaban, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeysay dilka odaygaas oo la sheegay inuu ku lug lahaa maamulka xeradaas.

Qoxootiga ku jira xerada IFO ayaa sheegay in dilkan uu sare u qaaday walaacii ay horay u qabeen; iyadoo xeryaha Qoxootiga ay dilal noocan oo kale ah ka dhacayeen tan bishii Oktoobar ee sannadkii hore, markaasoo ay ciidamada Kenya u soo tallaabeen gudaha Soomaaliya.

Mas'uuliyiin ka tirsan xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya ayaa sheegay inuu aad u xun yahay ammaanka xeryaha, iyagoo dalbaday in haddii aan magan-galyo la siin karin dib loogu celiyo dalkooda, halkaasoo ay sheegeen inay markii hore uga soo carareen colaado iyo abaaro isbiirsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/9/2012 6:44 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Shirkada Xawaaladda Dahab-shiil ayaa maanta gaarsiisay deeqdii ugu balaarneyd dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

10/9/2012 6:42 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25-km dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka ay deegaankaasi soo gaarayeen ciidamo aad u tiro badan oo katirsan Al-shabaab islamakraasina ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.

10/9/2012 3:30 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay afar kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab xalay ku dhexmaray deegaanka Calamada oo ku yaalla jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

10/9/2012 3:24 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii bambaanooyinka kuwa gacanta laga tuuro ah gallinkii dambe ee shalay lagu weeraray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo howgallo nabadeed ka waday gudaha suuqaas.