4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Munaasabad lagu Taageeray Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xubno Siyaasiyiin ah ay ku qabteen Magaalada Muqdisho

Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon oo maalin ka hor uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xil ra'iisul wasaaraha.

Munaasabaddan hambalyada ah ayaa waxaa Muqdisho ku qabtay siyaasiyiin ay ka mid yihiin xildhibaannadii hore ee baarlamaanka iyo xubnihii isbahaysiga isbedel-doonka Soomaaliyeed oo ay ku jireen murashaxiin xilka madaxnimo isku soo taagay.

"Halkan waxaan u nimid inaan u hambalyeyno soona dhaweynno ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faraax Shir-doon, waxaana Alle uga baryaynaa inuu la  garab-galo howshiisa uuna towfiiqda waafajiyo," ayay munaasabadda ka sheegeen xubnihii qabtay.

Xubnahan waxay sheegeen in ra'iisul wasaaraha iyo madaxda kale ee ay shacabku ka sugayaan inay dalka gaarsiiyaan horumar iyo nabad, iyagoo si gaar ah ui xusay in ra'iisul wasaaraha looga baahan yahay inuu isbedel dhab ah la yimaado.

"Dowaldda cusub waa mid laga sugayo inay dalka u horseeddo isbedel dhab ah, waayo 20-sano ka badan ayay dagaallo socdeen; waxaana codsaanynaa in lala yimaado isbedel kaas ka duwan oo dalka barwaaqo iyo horumar u horseeda," ayay yiraahdeen xubnihii halkaas ka hadlay.

Sidoo kale, xubnaha kulankan qabtay ayaa waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay la shaqeeyaan dowladda cusub ee Soomaaliya si ay ugu guulaysato howsha hortaalla, si ay dalka u gaarsiiso xilli ay shacabku soo doortaan hoggaankii ay doonayaan.


Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ahayd mudanayaashii hore ee baarlamaanka oo ka hadashay kulanka ayaa ku boorrisay ra'iisul wasaaraha inuu howshiisa koowaad ka dhigo sugidda ammaanka, midda labaadna uu ka dhigo dib u dhiska dhaqaalaha dalka, iyadoo ugu baaqday inuu ka fogaado khilaaf.

"Waxaan Alle ka baryaynaa in madaxda dowaldda oo dhamaantood ah rag cusub ay ummadda u horseedda nabad iyo midnimo, waxaana u sheegaynaa in afarta sano ee ay xilka hayaan ay umaddu ka doonayso isbedel muuqda oo dhab, waxaana ka rajeynayaan dhammaantood inay u adeegaan danta guud ee dalka iyo dadkam" ayay xubnahan yiraahdeen.

Xubnaha kulankan qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa: Sheekh Maxamed Yaasiin oo ka mid ahaa murashaxiintii xilka madaxnimo ee Soomaaliya, Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ah xildhibaan hore, Caasho Axmed Cabdalla, Ibraahim dheere iyo xubno kale.

Ugu dambeyn, siyaasiyiintan waxay ku baaqeen in dowladda ay fuliso lixdii qodob ee uu horay u sheegay madaxweynaha Soomaaliya inay dowladda cusub saldhig u noqon doonaan, iyadoo dalbaday in dalka la gaarsiiyo dowladnimo buuxda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya