4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Wafdi ka socda hay'adaha Samafalka ee Qaramada Midoobay oo Booqday Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhuftay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Wafdiga oo si toos ah uga degay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo ay ka wada hadlleen sidii loo gargaari lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay biyihii dhawaan ku rogmaday xaafadaha magaalada.

Saraakiisha hay’addaha samafalka ee maanta gaartay magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka socday hay’addaha WFP  iyo UNOCHA iyaga oo kala hadllay mas’uuliyiinta maamulka sida ugu sahlan ee loo caawin karo dadka barakacayaasha ah ee daadsan daafaha magaalada Baladweyne.

Axmed Cismaan C/dalla Inji oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha maamulka gobollka ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen wafdiga uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, waxaana uu sheegay in diirada lagu saaray oo kaliya sidii loo caawin lahaa dadka barakacayaasha ah.

Wafdiga ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee taga magaalada Baladweyne iyo tan iyo markii 10 cisho ka hor fatahaadu ku dhuftay magaalada Baladweyne, taasoo ay ku barakaceen kumanaan qoysas ah oo dhibaato nolaleed ay ku heysto goobaha ay maciin bideen.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa horay ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo kaalmeeyo dadka barakacayaasha ee ku guryo agab beelah fatahaada wabiga Shabeelle, iyaga oo sheegay in waqtigan shaqeynayo garoonka diyaradaha magaalada Baladweyne si toos ahna uga dagi karaan duulimaadyada sida samafalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya