4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Maamulka Jaamacadda Kismaayo oo ka cabanaya Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Saldhig ka sameystay Xarunta Jaamacadda
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Maamulka Jaamacadda Kismaayo ayaa cabasho ka muujiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhawaan saldhig ciidan ka sameystay xarunta jaamacadda Kismayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada.

Gudoomiyaha Jaamacadda Kismaayo C/qaadir Sheekh Max’ed ayaa sheegay in dhibaatooyin ba’an ay ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo uu xusay in ay saldhig ciidan ka sameysteen xaruntii Jaamacadda, taasoo uu sheegay in sababtay in uu hakad ku yimaado hanaankii waxbarasho ee Jaamacadda.

Hoos ka aqriso bayaan kasoo baxay maamulka Jaamacadda Kismaayo oo ay kaga cabanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya