4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2012
Madaxweynaha Somaliland oo shir saddex cisho socon doono oo lagu qiimeynayo wax qabadka Xukuumadiisa la yeeshay golihiisa wasiiradda


Axad, October,07, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xafiiskiisa shir saddex maalmood socon doona kula yeeshay wasiiradiisa, kaas oo lagu qiimeyn doono mudadii ay taladda la wareegeen wixii u qabsoomay, wixii ka dhiman iyo sababta u qarsoomi waayeen.

 

Shirkan oo ah mid albaabadu u xidhan yihiin waxa goobjoog ka ah gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee kulmiye, labadda  gudoomiye ku xigeenka ee golaha wakiiladda oo xisbiga kulmiye ka soo jeedda, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo hogaaamin doona, waxaana la sheegay in uu furmi doono shirku sideedda subaxnimo ilaa sideeda habeenimana uu socon doono, kaas oo wasiir kasta soo bandhigi doono waxa uu ka qabtay wasaaradiisa mudadii uu xilka hayey.

 

Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisaa ah ee xukuumadihii kala dambeeyey saacado badan ku qiimeeyaan waxqabadkooda, waxaana la sheegay in marka uu shirkani dhamaado dadweynaha loo soo gudbin doono natiijadda ka soo baxda shirkaasi qiimeynta ah.

 


Dadka siyaasada odorosa, ayaa ku tilmaamay shirkan inuu madaxweynuhu doonayo inuu ku dagaal galo doorashooyinka soo socda, sii uu shacabka u kasbado, una soo bandhigo waxqabadkiisa mudadii uu xilka hayey , isla markaana xisbigiisu ololaha doorashooyinka golaha deegaanka ku galo wixii ay qabteen, guulna uga soo hoyn lahaa doorashadaasi la filayo inay dalka ka dhacdo November 28, 2012.

 

Doorashadan ayaa ah mid xamaasadeedda wadata, maadaama oo dhawr boqol oo xildhibaan oo goleyaasha deegaanka ahi ka qaybgalayaan, isla markaana lagu kala reebayo ururada iyo xisbiyadda toddobada urur/xisbi ka kooban, iyadoo la doonayo inay doorashadaasi ku soo baxaan cidda noqonaysa saddexda xisbi qaran.

 

Ururada doorashada ka qaybgalaya ayaa saddex urur ee soo baxaa isku bedeli doonaan saddex xisbi Qaran, halka ay imika ururo ka yihiin, taas oo urur waliba doonayo sidii uu xisbi u noqon lahaa doorashadaasna ku guulaysan lahaa si doorashooyinka dambe uga qaybgallo.




 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland