4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2012
Hay'adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray Amarro lagu adkeynayo Ammaanka Muqdisho
Sabti, Oktoobar 06, 2012 (HOL) — Saraakiisha hay'adaha ammaanka Soomaaliya oo ku yeeshay Muqdisho kulan ay go'aanno ammaanka lagu adkeynayo kasoo saareen ayaa sheegay inaan hub lagu dhex-qaadan karin magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in ciddii rasaas ku ridda magaalada dhexdeeda laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Wasiirka Gaashaandhiga ee xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in kulankaas ay kasoo baxeen qodobbo muhiim ah, isagoo xusay inuu yahay mid looga tashanayay sidii ammaanka caasimadda Soomaaliya lagu adkeyn lahaa.

"Qorshu wuxuu yahay in ammaanka Muqdisho la adkeeyo, waxaana ku baaqaynaa in hub aan lagu dhexqaadan karin magaalada," ayuu yiri wasiirka difaaca oo intaas ku daray in askarigii ama qofkii rasaas ku fura magaalada dhexdeeda sharciga la marin doon.

Xuseen Carab, ayaa sidoo kale sheegay inaan la sameyn karin dabaal-degyo iyo in rasaas aan si macno-darro ah loogu ridin karin gudaha magaalada, isagoo shacabka ka dalbaday inay gacan ka siiyaan ciidamada dowladda sidii lagu qaban lahaa cid walba oo caqabad ku ah ammaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee waqtigiisu dhammaadka yahay Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay habeen iyo maalin ka shaqeynayaan sidii ammaanka lagu xaqiijin lahaa, isagoo tilmaamay in maanta wixii ka dambeeyay ay billaaban doonaan howl-galo cusub.

"Maanta wixii ka dambeeya waxaa billaaban doona howgallo cusub, ciidamaduna waxay sameyn doonaan maalmaha soo socda howgallo dheeraad ah, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin inay ka hortagaan hubka sida sharci-darrada ah loogu dhex-wato magaalada iyo xabadaha sida aan macnaha lahayn loogu rido magaalada dhexdeeda," ayuu yiri wasiirka ammaanka Qaranka.

Taliyaha ciidamada xoogga, Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo isaguna hadlay ayaa sheeagy in haddii uusan ammaan jirin aanu horumar jirin, isagoo intaas ku daray in ciidamada iyo shacabka looga baahan yahay in wada-shaqeyn dhex-marto.

"Ammaan hadduusan jirin horumarna ma jiro; waxbarasho ma jiro; nasasho ma jirto, dalxiis ma jiro, cibaadadana lama gudan karo. Si ammaanka loo sugo waxaa loo baahan yahay in shacabka ay gacan siiyaan ciidamada dowladda," ayuu Jen. Diini u sheegay warfidiyeenka.

Sidoo kale, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaladaad dhinaca ammaanka ah ay mararka qaar ka dhacaan Muqdisho, isagoo xusay inaan la ogolaan doonin baabuur aan taargo ama sumad lahayn oo magaalada dhex-maraya, ciidamaduna ay diyaar u yihiin inay tallaabo ka qaadaan.

Ugu dambeyn, hay'adaha ammaanka dowladda Soomaaliya waxay NOG-yada iyo hay'adaha gargaarka ee ka howgala Muqdisho ugu baaqeen inaysan hubkooda lasoo dhexgelin magaalada; sidoo kalena aan lagu dhexqaadan karin magaalada hub aan diiwaan-gashanayn.

Hadalka saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay ka jireen maalmihii lasoo dhaafay howlgallo lagu sugayay ammaanka, iyadoo sidoo kalena ay magaalada ka dhaceen toddobaadyadii lasoo dhaafay dhowr qarax iyo dilal qorsheysan oo ay ku dhinteen in ka badan konton qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya