4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 5 , 2012
Soomaalida ku nool Luwiston dalka Mareykanka oo sameeyay Mudaaharaad kaddib markii uu ka careysiiya Duqa Magaaladaas
Jimco, Oktoobar 05, 2012 (HOL) — Soomaalida ku nool magaalada Luwiston ee gobolka Main ee dalka Mareykanka ayaa sameeyay mudaaharaad, kaddib markii ay ka caroodeen hadal uu ka sheegay duqa magaaladaas Robert McDonald.


Duqa Luwiston ayaa Soomaalida ku wargeliyay inay dhaqankooda kasoo tagaan marka ay imaanayaan dalka Mareykanka, isagoo sheegay inay haboon tahay inay qaataan dhaqanka ka jira magaalada ay degaan.

"Hadaad dooneyso inaa halkan (Marykanka) timaaddo oo aad muwaadin noqoto waxaa fiican inaad dhaqanka halkan qaadato, kaagiinna aad kaga soo tago illinka aad kasoo galayso," ayuu yiri Robert McDonald.

Soomaalida ku nool magaalada Luwiston oo tiradoodu ka badan tahay 10,000 oo qof ayaa aad uga carooday hadalkaas, iyagoo ka dalbaday duqa inuu raalligelin ka bixiyo hadalkaas, waxaana taasi ay keentay in MacDonald uu dabciyo mowqifkiisii hore.

"Hadalka waxaan ula jeeday in Soomaalida ay dhexgalaan bulshada, balse hadafku ma ahayn in Soomaalidu ay ka tagaan dhaqankooda, diintooda iyo dhar xirashadooda," ayuu yiri duqa Luwiston.

Madaxa isku-xirta dhalliyarada Soomaalida ee ku nool magaalada Luwiston, Jaamac Aadan Maxamed oo BBC-da wareysi siiyya ayaa sheegay in hadalkaas uu aad uga careysiiyay iyaguna ay sameeyeen dibadbax ay uga cabanayaan arrintaas.

"Markii hore duqa magaalada waxaan la yeelanay kulan; waxaana ka dalbanay inuu ka laabto hadalka, balse wuu diiday, sidaa daraadeed ayaan go'aansanay inaan sameyno dibadbax cabasho ah," ayuu yiri Jaamac Aadan.

Soomaalida ku dhaqanka dalka Mareykanka oo boqolaal kun ka badan ayaa waxay dhowr jeer oo hore ka cowdeen aflagaadooyin iyo ficillo xun-xun oo lagu sameeyay iyadoo tani ay qayb ka tahay dhibaatooyinkaas lagu hayo Soomaalida Mareykanka ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya