4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2012
Ururka Raaskambooni oo sheegay in Maamul u sameynta Kismaayo aysan ahayn mid laga sugayo Dowladda Soomaaliya
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Ururka Raaskambooni oo ka mid ah xoogaggii gacanta ku siiyay ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya qabsashadii magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Jubbada hoose ayaa sheegay in maamul u sameynta magaalada Kismaayo aysan ahayn mid laga sugayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Afhayeenka ururkan, C/naasir Seeraar oo wareys siinayay BBC-da isagoo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay sameynayaan guddi si KMG ah u maamula magaalada inta looga sameynayo maamul guud, isagoo ku gacan-sayray hadal uu ku sheegay madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in dowladdu ay Kismaayo u sameyn doonto maamul.

"Madaxweynaha Soomaaliya waxaan jeclaan lahaa inuu akhriyo dastuurka, kuma qorna in madaxweynuhu uu maamul u sameeyo gobollada dalka, sidaa daradeed waxaan ugu baaqi lahaa inuu dastuurka dib ugu laabto," ayuu yiri C/naasir Seeraar.

Afhayeenku ururka Raaskambooni wuxuu hadalkiisa ku daray in marnaba aysan sugayn Kismaayo in maamul looga keeno Xamar, dadka reer Kismaayana ay xaq u leeyihiin inay iyagu sameystaan maamulkii hoggaamin lahaa.

"Waxaa jira shir ka socda magaalada Nairobi oo maamul loo sameynayo Jubbooyinka kuwaasoo ay ka qaybgalayaan dalalka IGAD, innaguna waan la soconnaa shirkaas," ayuu yiri afhayeenka kooxda Raaskambooni, sidoo kale xusay in hadal kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha oo ahaa in shirka Nairobi ka socda aysan dowladdu la socon.

Sidoo kale; afhayeenku wuxuu sheegay in guddiga maamulaya magaalada Kismaayo ay ka koobnaan doonaan ciidamada dowladda Soomaalia iyo ururka Raaskambooni, isagoo sheegay in guddigaas ay howsha wadayaan inta maamul loo dhan yahay la soo sameynayo.

"Urur siyaasi ah oo aan ka tirsanayn dowladda Soomaaliya; lehna maamul sare iyo saraakiil ciidan sida ahlusunna waljamaaca oo kale. Balse waxaan gacan-saar la leennahay dowladda Soomaaliya iyo dalalka dariska ah," ayuu yiri mudane Seeraar.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa ururka Raaskambooni iyo ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan ay laba maalmood oo keliya gacanta ku hayaan magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya