4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2012
Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo si guud uga hadlay Amniga Muqdisho, Qabsashada Kismaayo iyo Fatahaadii Baladweyne
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay la wareegiddii degmada Kismaayo, ammaanka magaalada Muqdisho iyo fatahaadihii uu webiga shabeelle ee magaalada Baladweyne.

Col. Xumud wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo ayna sugayaan ammaanka, isagoo xusay in magaaladaas aysan ka jirin wax dhibaato ah.

"Magaalada Kismaayo waxaa si buuxda gacanta ugu haya AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kamana jiraan wax dhibaatooyin ah," ayuu yiri afhayeenka oo sheegay in ciidamadooda ay fariisimo ka sameysteen garoonka diyaaradaha, dekedda iyo weliba xarunta maamulka Kismaayo.

Sidoo kale, afhayeenka AMISOM wuxuu ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho isagoo sheegay in inkastoo ay magaalada ka dhaceen falal ammaan-darro haddana ay booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka caasimadda u adkeyn lahaayeen.

"Ammaanka Muqdisho waa mid wanaagsan, inkastoo dhawaanahan ay shaqaaqado dheceen haddana ciidamadu waxay ku dadaaleen inay ammaanka sugaan, waana ku guuleysteen," ayuu yiri afhayeenka oo sheegay in howgallada lagu ammaanka lagu sugayo ay sii socon doonaan.

Dhanka kale, Col. Xumad oo kasoo jeeda dalka Jabuuti, ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Baladweyne ay gacan siiyeen shacabka ku nool degmadaas markii ay fatahaaduhu ku dhufteen, isagoo xusay inay boqolaal qof ay geeyeen goobo ay fatahaadaha kaga nabadgalaan.

"Cidamada AMISOM oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya waxay boqolaal qoys oo ku noolaa goobaha ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyagoo dejiyay meelo ay kaga nabadgalaan fatahaadda," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Midowga Afrika.

Hadalka afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo lagu wado in dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqo ra'iisul wasaare soo dhisa xukuumad dalka hoggaamisa afarta sano ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya