4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2012
Laanta Dambi-baarista Booliiska Somalia oo soo bandhigtay dhowr qof oo la sheegay inay dilal ka geysteen Muqdisho
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Laanta dambi-baarista booliiska Soomaaliya ee loo yaqaan CID-da ayaa soo bandhigtay maanta 15-qof oo ay sheegtay inay dilal qorsheysan ka fuliyeen Muqdisho, kuwaasoo ay xustay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Taliyaha laanta dambi-baarista booliiska, Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa u sheegay wariyeyaasha in raggan lagu soo qabqabtay howlgallo maalmihii lasoo dhaafay laga sameyanyay Muqdisho laguna sameeyay baaritaanno lagu caddeeyay inay dambiyada loo haysto geysteen.

"Raggan waxay ka tirsanaayeen Al-shabaab, waxayna Muqdisho ka geysteen dilal qorsheysan, dambiyadana waa ku caddaadeen, maxkamad ayaana u gudbinaynaa," ayuu yiri Jen. Bariise oo intaas ku daray in howgallada ay soconayaan inta raggan oo kale laga nadiifinayo magaalada.

Jen. Bariise oo sidoo kale afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in raggan lasoo qabqabtay xaafado ka tirsan degmooyinka Muqdisho oo ay si dhuumaaleysi ah ku joogeen, wuxuuna u digay xubnaha Al-shabaab ee weli ku sugan Muqdisho.

Hadalka afhayeenka booliiska ahna taliyaha laanta dambi-baarista booliiska ayaa wuxuu hadalkiisu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay Muqdisho ka socdeen baaritaanno ay sameynayeen ciidamada nabadsugidda iyo kuwa booliiska, kuwaasoo lagu soo qabqabtay dad fara badan.

Bishii hore waxaa Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ku dhinteen dad badan 50-qof oo ay ku jireen shan wariye oo ka howlgalayay warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaana weerarradaas lagu beegay xilli doorasho madaxnimo oo ka dhacday Muqdisho looga adkaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya