4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2012
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukunno Xabsi iyo Ganaax isugu jira ku ridday laba qof oo lagu qabtay Mukhaadaraad
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku ridday xukunno isugu jira xabsi iyo lacag ganaax ah laba nin oo bishii September ee lasoo dhaafay lagu qabtay qamri iyo xashiis fara badan, iyadoo xukunka labadan ruux lagu dhawaaqay markii dhageysiga dacwaddooda ay dhammaatay.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa, Maxamed Xasan Sahal iyo Mahad Axmed Cumar; iyadoo dacwadda loo haysto uu maxkamadda ka hor akhriyay ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Jamaal Maxamed Axmed oo sheegay in eedeysanayaashan lagu qabtay 139-dhalo oo ah qamri dibadda laga keenay iyo 52-garaam oo xashiishad ah.

Labadan eedeysane oo maxkamaddu ay su'aalo ka weydiisay dambiga loo haysto ayaa iska fogeeyay, iyagoo sheegay darawalkii waday gaariga uu sheegay in lasoo kireystay waxa saaranna uusan war u hayn.

"Gaarigayga iyo laba kale waxaa soo kireystay nin aniguna ma ogeyn wax ku jira kartoonnada aan qaaday, labadii baabuur oo kale way baxsadeen anigana waa la i qabtay," ayuu yiri Mahad Axmed oo ahaa darwalkii gaariga.

Taliyaha booliiska degmada Hodan oo soo qabtay gaariga, mukhaaradaardka saaran iyo labada nin ayaa sheegay in xilli habeen ah 25-kii bishan ay qabteen gaariga iyo raggan wata xilli ay wadeen qamri, isagoo sheegay in darawalka gaariga uu u sheegay in alaabta gaariga saaran uu isagu leeyahay.

Intaas kaddib waxaa xukunka ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur oo sheegay in labada nin lagu xukumay min laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya min laba milyan oo shillin Soomaali ah.

Sidoo kale, gaarigii qamriga lagu qabtay ayaa lagu xukumay kun doollar oo ganaax ah, iyadoo la sheegay in ciddii gaariga iska leh laga doonayo inay lacagtaas bixiso kaddibna la siin doono gaariga, iyadoo qamrigii iyo xashiishkii ay maxkamaddu amar ku bixisay in la gubo.

Ma ahan xukunkii ugu horreeyay noociisa oo ay riddo maxkamadda gobolka Banaadir balse dhowr jeer oo hore ayay xukunno noocan oo kale ah ku ridday dad lagu qabtay iyagoo isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya