4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2012
Askari ku toogtay Bartamaha Magaalada Baladweyne Taliyihiin Howlgalinta Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta bartamaha magaalada Baladweyne toogasho ku dillay taliyihii howlgalinta ciidamada maamulka Muumin Maxamed Maxamuud.

Sida uu u sheegay HOL afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof taliyaha ayaa waqtiga la dillay ku howlanaa qaadista jidgooyo halka lagu magacaabo Buundo-Liqliqato u tiilay koox uu ka tirsanaa askariga wax dillay.

"Askariga toogashada geystay waxaa uu ka madax adeygay amar uu siiyay taliyaha, waana tan keentay in uu marka danbe toogto, waa uu baxsaday, laakiin waa lagu raad joogaa," ayuu yiri afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan.

Mar laga soo  tago muranka la sheegay in uu dhaxmaray askariga iyo taliyaha dhintay, ilaa hadda ma jirto faah faahin intaa ka badan oo laga bixiyay dilka taliyaha, waana markii ugu horeysay oo askari ka tirsan ciidamada maamulka uu toogasho ku dillo sarkaal ka tirsan isla maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya