4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2012
Iskahorimaad ka dhacay duleedka Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay iyo Ciidamada Itoobiya oo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan wada
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Iska-horimaad xooggan ayaa xalay fiidkii ku dhexmaray deegaanka Goof-guduud ee duleedka degmada Baydhabo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo dagaalkan uu kusoo beegmay xilli ay ciidamada Itoobiya ka wadaan gobolka Bay dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo ku sugan degmada Baydhabo ayaa sheegay in dagaalkaas ay soo qaadeen xoogag Al-shabaab ka tirsan ciidamadooduna ka hortageen khasaare xoogganna u geysteen, balse ma aysan sheegin khasaaraha dhankooda kaso gaaray dagaalka.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in markii uu dagaalku dhammaaday ay arkeen mayadadka laba qof oo xiran tuutaha milateriga; balse ma aysan sheegin ciidamadii ay ka tirsanaayeen.

Xaaladda deegaankii lagu dagaalmay xalay ayaa saakay deggen iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya, mana jiro hadal dagaalkan ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ee ku sugang gobolka Bay ayaa waxay billaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo ciidamada Itoobiya ay intooda badan ka baxayaan degmada Baydhabo, iyagoo u dhaqaaqay deegaannada gobolkaas ay kaga sugan tahay Al-shabaab.

Xubno ka tirsan mas'uuliyiinta dowladda ee gobolka Bay ayaa si kooban uga hadlay dhaqdhaqaaqan ciidan iyagoo ku sheegay mid ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya ay ku doonayaan inay qabsadaan deegaanno hor leh.

Degmooyin ka tirsan gobolka Bay ayaa waxaa weli gacanta ku haysa Al-shabaab iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya tan iyo bishii labaad ee sannadkan isku dayayeen inay gobolka oo dhan ka qabsadaan xoogagga Al-shabaab oo muddo sanooyin ah ka talinayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya