4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2012
Dhowr qof oo hal qoys kasoo jeeda oo Biriqi ay ku dishay Deegaan ka Tirsan Degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Saddex qof oo kasoo jeeda hal qoys ayay xalay biriqi ku dishay deegaan ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud kaddib roobab xoog badan oo ka da'ay degmadaas, iyadoo sidoo kalena biriqdani waxay dhaawacday laba qof oo isla qoyskaas ka tirsan.

Roobabkan ayaa waxay ahaayeen kuwo xooggan oo saacado xiriir ah ka da'ayay degmadaas iyo daafaheeda, waxaana saddexda qof ee dhintay la sheeagy inay kala ahaayeen: wiil iyo gabar isla dhashay iyo gabar uu qabo walaalkood, sidoo kale waxaa labadii qof ee dhaawacmay loo qaaday isbitaalka Ceeldheer oo lagu daweyayo.

"Biriqdu waxay ku dhacday guriga ay qoyskani ku noolaayeen, waxaana xilligaas da'ayay roobab xooggan. Saddex ayaa dhintay laba kalena dhaawacyo culus ayaa soo gaaray," ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka ay biriqdu ku dishay dadka rayidka ah.

Inkastoo roobabku ay joogsadeen, haddana dadka deegaankaas iyo kuwa ku dhow ku nool waxay si aad ah u hadal-hayaan biriqda dhimashada iyo dhaawaca ka geysatay deegaankaas, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay sannooyin fara badan kaddib oo ay ka dhacdo arrinatn oo kale.

Dhanka kale, Roobab khasaare geystay ayaa iyaguna xalay ka da'ay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo dilay boqolaal neef oo xoolo ah, sidoo kalena burburiyay guryo badan oo ku yaalla galbeedka degmada Baladweyne iyo deegaanno kale.

Lama sheegin khasaare dad oo roobabkaas ay geysteen, waxaase ku cayrtoobay qoys kaddib markii ay ka dhinteen boqolaal ari ah oo ay dhaqanayeen, waxaana tani ay ay qayb ka noqonaysaa dhibaatooyinka roobabku ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya