4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2012
Dableey hubeysan oo Askari ka tirsan Booliiska Kenya dilay mid kalena ku dhaawacay Magaalada Gaarisa ee Waqooyi-bari Kenya
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Kooxo aan la garanayn ayaa xalay toogtay mid ka mid ah ciidamada booliiska Kenya mid kalena dhaawac u geystay kaddib markii ay rasaas ku fureen ciidamadan oo howlo ammaanka lagu adkeynayay ka waday bartamaha degmada Gaarsiga ee xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa ayaa saxaafadda u sheegay in askartan meelo fog laga toogtay, taasna ay keentay in mid ka mid ah uu isla goobta ku dhinto halka midka kalena loo qaaday isbitaalka halkaasoo lagu daweynayo.

"Askari ayaa la toogtay mid kalena dhaawaca ayaa loogu geystay Gaarisa, waxaana socda baaritaanno lagu raadinayo kuwii falkaas geystay," ayuu yiri guddoomiyaha magaalada Gaarisa Maxamed Macallin oo saxaafadda la hadlayay.

Toogashadan lagu dilay askariga midka kalena lagu dhaawacay ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dalka Kenya ay kusoo kordhayaan falalka amman-darro ee ay geysanayaan kooxo aan la garanayn, balse ay dowladdu ku sheegtay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaabta Soomaaliya.

"Xaaladdu mar qura ayay isbedeshay, dadkii oo dhan way kala carareen markii ay toogashadu dhacday, xalay oo dhan waxaa magaalada ku sugnaa ciidammo badan balse saakay xaaladdu waa mid deggen," ayuu yiri Nuur Cumar oo ka mid ah dadka degmadaas ku nool.

Guddoomiyaha Gaarisa, Maxamed Macallin ayaa sheegay in magaalada ay ku sugan yihiin dad hubeysan oo toogasho u geysanaya ciidamada ammaanka, isagoo xusay inay qaadi doonaan tallaabooyin ay kusoo qabqabanayaan dadkaas hubeysan.

Bartamihii bishan ayay ahayd markii sidan oo kale toogasho lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada ammaanka ee Kenya oo howlo nabadda lagu sugayay kawaday magaalada Gaarisa, waxaana xilligaas oo habeen ahayd ay ku jireen.

Falalka ammaan-darro ayaa ka billowday magaalooyinka Kenya markii kumannaan ka tirsan askarta Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya bishii Oktoobar ee sanadkii hore si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka yihiin afduubyo iyo dilal ka dhacay gudaha Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya