4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Ururadda Saxaafadda Somaliland oo kala saxiixday heshiiska ku saabsan habka ay ku dhaqmayso Saxaafadda Inta Doorashooyinku Socdaan (SAWIRRO)

Talaado, Oktoober, 30, 2012 (HOL)-Kullankii loo qabtay saxaafadda ee lagaga hadlayey Xeerka anshaxa saxaafadda wakhtiga doorashooyinku socdaan, ayaa lagu soo gabogabeeyey magaaladda Hargeysa.

Kulankan maanta waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Ciise Xamari, Agaasimaha  wasaaradda warfaafinta C/rashiid Jibriil, gudoomiyeyaasha Ururadda saxaafadda, waxaana halkaasi lagu kala saxeexday xeerka anshaxa saxaafadu ku shaqayn doonto muddooyinka ololaha iyo doorashooyinka dalka ka socdaan.

Xeerka anshaxa Saxaafadda ayaa waxa saxeexay gudoomiyeyaasha ururada saxaafadda, ka dib markii ay falanqayn iyo wax ka bedel ku sameeyeen wariyeyaashii kulankaasi ka qaybgalay, waxaana la isla gartay in warbaahintu ku shaqayso xeerkaasi.

Sidoo kale, xeerku waxa uu sahli doona wada shaqaynta warbaahinta iyo guddida doorashooyinka, iyadoo wax kasta oo ka hor imanaya nidaamka doorashooyinka iyo wixii khilaaf abuurayaba laga fiirsaday.

Dhinaca kale, waxa la samayn doonaa guddi warbaahinta ka kooban oo qiimeyn ku samaynaysa warbaahinta qaabka ay wararka doorashooyinka u tabinayaan, gudidaasi oo ilaalin doonta xeerkan anshaxa ee lagu dhaqmi doono, waxna ka qaban doonta cidii ku xadgudubta.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland