3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Rasaas khasaare geysatay ku furay gaari ay dad rakaab ah la socdeen
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray rasaas uu askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ku furay barqonimadii maanta gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay meel ku dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Askarta furay rasaasta khasaaraha nafeed geystay ayaa la sheegay inay murmeen isaga iyo qofka rayidka ah ee dhintay, isagoo markii uu falkan geystay goobta ka baxsaday, waxaana labada qof ee dhaawacmay la sheegay inay ahaayeen arday.

"Gaariga wuxuu ka tagay KM-4 wuxuuna ku socday Siinaay, waxaa soo qabsaday askar, markiibana waxaa billowday muran u dhexeeya askariga iyo qofka dhintay, markaas kaddibna askarigu wuxuu rasaas badan ku furay gaariga, taasoo keentay inuu dhinto wiilkii uu muranka kala dhexeeya laba arday oo kalena ay dhaawacyo soo gaaraan," ayuu yiri mid ka mid ah rakaabkii la socday gaariga rasaasta lagu furay.

Dhaawacyadii ka dhashay rasaasta uu askarigu ku furay gaariga rakaabka waday ayaa isla markiiba loo qaaday isbitaalka Madiina si loogu daweeyo, iyadoo aysan jirin ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo u gurmaday dadkii waxyeelladu kasoo gaartay rasaasta.

Falkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay uu askari ilaalo u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu dilay askari kale, iyadoo xildhibaanka oo lagu magacaabo Axmed Kenyaati uu sheegay inuu askariga ilaaladiisa ka tirsan ee dilka geystay uu u gudbinayo hay'adaha ammaanka Qaranka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhaya rasaasta ay askarta ka tirsan ciidmada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ku furayaan gaadiidka rakaabka, iyadoo la xusuusto in falal noocan oo kale ah ay labadii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacayeen Muqdisho iyo daafaheeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/31/2012 2:53 PM EST
Arboco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) - Xaflad taageero ah oo lagu soo dhoweynayo doowlada cusub ee u dhalatey dalka Soomaliya ayaa lagu qabtey magaalada Seattle ee Gobolka Washington.

10/30/2012 11:18 AM EST
Talaado, Oktoober, 30, 2012 (HOL)-Kullankii loo qabtay saxaafadda ee lagaga hadlayey Xeerka anshaxa saxaafadda wakhtiga doorashooyinku socdaan, ayaa lagu soo gabogabeeyey magaaladda Hargeysa.

10/30/2012 8:51 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland,ayaa sheegay in wax khilaaf ahi ka jirin guddidooda dhexdoodda, isla markaana dhinaca iskaga leexiyey eedihii ay shirkadaha daabacaaddu usoo jeediyeen guddida doorashooyinka.

10/30/2012 8:03 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa ka dalbaday dowladdoda inay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro, iyadoo laga jawaabayo eedeyn ay Qaramada Midoobay soo jeedisay oo ku saabsan in Uganda ay taageerto jabhad ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

10/30/2012 8:01 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba gargaar kala duwan la siinayay dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne, ayaa dhinaca kale waxaa jira cabasho dadka ay ka muujinayaan hay’addaha qaarkood oo ay sheegeen in ay ka been abuurtaan kaalamada la siiyo dadka barakacayaasha ah.

10/30/2012 6:06 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) —Howlgallo ay saaka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayay ku guuleeysteen in ay soo saraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay qaar kamid ah wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo.

10/30/2012 4:12 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu baaqday Dowladda Ereteria in ay taageerto Nabadda Geeska Afrika, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweeynaha dalka Kenya iyo safiirka dowladda Ereteria u fadhiya dalka Kenya Beyene Russom.

10/30/2012 3:42 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ku xukuntay eedeysanayaan la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab kuwaasoo ay howgallo kusoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo sii daysay kuwo kale oo eedeymihii loo haystay lagu waayay.

10/30/2012 3:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa siyaabo kala duwan xalay ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Waaberi ee gobolka Banaadir laba qof oo mid ay ahayd haweeney iyo abwaan ka tirsanaa idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.