4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ku sugan Kismaayo oo howlgallo ay sameeyeen kusoo qab-qabtay walxaha Qarxa

Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) —Howlgallo ay saaka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayay ku guuleeysteen in ay soo saraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay qaar kamid ah wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa saaka howlgalkooda ka bilaabay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna ku guuleeysteen in ay gacanta ku dhigaan ilaa dhowr Miino oo lagu aasay wadooyinka dhexmara Magaalada.

Goobjooge codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Kenya islamarkaasina wata qalabka lagu baaro Miinada ay saaka ilaa dhowr Miino kasoo saareen qaar kamid ah wadooyinka dhexmara magaalada.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabasaday in ay faahfaahin ka bixiyaan howlgalkii saaka, haseyeeshee waxay inoo xaqiijiyeen in ciidamadu ay ku guuleeysteen in ay soo bixiyaan Miinooyin Dhowr ah oo lagu aasay wadooyinka magaalada dhexmara.

Howlgallada ay ciidamadu kusoo qabteen walxaha qarxa ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan qarax nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ah lala beegsaday goob maqaaxi ah oo ku taal iridda laga galo xarunta Degmada Kismaayo, kaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii Maqaaxida ku sugnaa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya