4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya oo Xukunno ku Ridday Eedeysanayaal

Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ku xukuntay eedeysanayaan la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab kuwaasoo ay howgallo kusoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo sii daysay kuwo kale oo eedeymihii loo haystay lagu waayay.

Xukunkan maxkamadeed oo ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho (Gaalshire) ayaa waxaa maxkamadda lagu horkeenay sagaal eedeysane oo muddo ku xirnaa xabsiga dhexe loona haystay inay ka tirsanaayeen
Xarakada Al-shabaab.

Garsoorihii maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya ayaa markii uu dhageystay dacwooyinka lagu soo oogay eedeysanayaashan wuxuu ku dhawaaqay xukunka maxkamadda isagoo sheegay in afar eedeysane oo ka mid ahaa kuwii lagu soo oogay dambiyada lagu helay dambiyadii ayna maxkamaddu ku xukuntay min shan sanadood oo xabsi ciidan ah.

Eedeysanayaasha ay maxkamadda ciidamadu xukuntay oo da'doodu ka hosaysay 25-sano ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

1. Ducaale Bashiir Cabdi
2. Xuseen Axmed Xasan
3. Maxamed-deeq Mukhtaar Ibraahim
4. Bashiir Cusmaan Maxamuud

Sidoo kale, garsooruhu wuxuu sheegay in shan ka mid ah eedeysanayaashii lasoo eedeeyay lagu waayay dambiyadii loo haystay sidaa daraadeedna ya maxkamaddu sii daysay, kuwaasoo uu ku jiray wiil aan weli qaan-gaarin, waxayna magacyadoodu kala yihiin:

1. Cismaan Muuse Maxamed
2. Cabdulfataax Maxamuud Maxamed
3. Cabdulqaaliq Cabdulqaadir Cabdiraxmaan
4. Buufeey Cali Xasan
5. Maxamed Abshir Weheliye

Xukunkan ay ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay maxkamaddu riddo tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday xilliga KMG ah oo laba bilood laga joogo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya