4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Xarunta Golaha Shacabka kulan kula qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannadii hore
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho in ka badan laba boqol oo xildhibaan oo ka mid ahaa xubnihii hore ee baarlamaankii waqtigiisu dhammaaday.

Prof. Jawaari iyo xubnaha uu la kulmay ayaa waxay kawada hadleen sidii ay wada-shaqeyn u dhexmari lahayd xildhibaannada cusub ee baarlamaanka iyo kuwii hore maadaama ay muddo dheer soo shaqeynayeen ayna yihiin kuwo waayo-arag ah, iyadoo sidoo kalena kulanka la iskula soo qaaday xildhibaannadii la dilay iyagoo ka mid ah baarlamaanka.

"Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu kulan la qaatay maanta 255 xildhibaanadii hore ka mid ah, waxyaabihii laga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii looga faa'iideysan lahaa khibradihii ay heleen, maadaama ay horay u qaateen tababarro la xiriira habka uu ku shaqeynayo baarlamaanka," ayuu yiri C/llaahi Axemd Garruun oo mudanayaashii hore ka mid ahaa.

Sidoo kale, mudane Garruun wuxuu sheegay in la isla gartay in xildhibaannadii hore ay caawiyaan xildhibaannada cusub, ayna ka caawiyaan sidii ay howlahooda u gudan lahaayeen, isagoo xusay in kulanku uu ahaa mid ku dhammaaday is-afgarad.

"Waxaan isla garanay in xildhibaannadii hore ee aan ka mid noqon baarlamanaka ay helaan xuquuqahooda lana ilaaliyo xasaanaddooda," ayuu yiri Maxamed Cumar Geeddi oo ka mid ahaa xildhibaannadii hore ee baarlaamanka kana qayb-galay kulanka.

Ugu dambeyn, waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha baalamaanka oo sheegay inay kawada hadleen isaga iyo xildhibaannadii hore sidii umadda Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa; maadaama xildhibaanadii hore ay muddo howlaha baarlamaanka soo wadeen.

Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu ka kooban 275 mudane, kuwaasoo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah xildhibaannadii hore, inkastoo ay kusoo biireen tiro badan oo aan horay uga mid ahayn, waxaana sugaya howlo badan afarta sano ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya