5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2012
Diyaarado dagaal oo Maanta lagu arkay iyadoo dul heehaabaya Deegaanno ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa lagu arkay iyagoo dul-heehaabaya maanta deegaanno ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasoo la sheegay in kooxaha burcadbadeedda ah ay ku haystaan ajnabi ay ku haystaan afduub.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada diyaaradaha lagu arkay ayaa sheegay inay diyaaradahan dhowr jeer kusoo laabteen deegaanka taasoo cabsi weyn ku beertay dadka deegaannadaas ku nool oo u badan xoolo dhaqato.

"Diyaaraduhu waxay kasoo duuleen marakaiib ku sugan xeebaha badweynta Hindiya mana garanayno sababta ay halkan u soo aadeen, balse deegaanka waxaa afduub ahaan loogu haystaa badmaaxiin la socday maraakiib lagu haysto xeebaha gobolka Mudug," ayuu yiri goobjoogaha la hadlay warbaahinta.

Inkastoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, ayaa haddana waxay diyaarado dagaal dhowr jeer oo hore howlgallo ka fuliyeen deegaanno ku dhow xeebaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha lagu tuhmayo kooxaha burcadbadeedda ah.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa waxay saldhigyo ku leeyihiin barriga, halkaasoo ay ku haystaan ajaanibta la socda maraakiibta iyo kuwo kale oo afduubyo kusoo qabsadaan, si ay uga helaan lacago madaxfurasho ah.

Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa gacanta ku haysa Xarakada Al-shabaab oo inta badan deegaannadii ay ka talinaysay isaga baxday sannadkan iyo kii ka horreeyay, kaddib markii culeysyo milteri la saaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya