4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2012
Xaaladda Magaalada Kismaayo oo saaka deggen, kaddib Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay magaaladaas

Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Xaaladda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose aya daggan maanta oo Arbaco kaddib markii ay qaraxyo ka dhaceen shalay gallinkii dambe, kuwaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ciidamada Soomaalida ee ku sugan Jubbooyinka, Col. Aadan Axmed Xirsi (Rufle) ayaa saxaafadda u sheegay in laba qof oo rayid ah ay ku dhinteen shan qarax oo ka dhacay Kismaayo ayna ku dhaawacmeen dad shacab ah.

"Qarax ka dhacay bartamaha magaalada waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ah, dhowr kalena way ku dhaawacmeen. Ma jirto khasaare ciidamada kasoo gaaray qaraxyadii dhacay," ayuu yiri Col. Aadan Rufle oo saxaafadda la hadlayay isagoo ku sugan Kismaayo.

Ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo xoogagga Raaskambooni ee la socda ayaa waxay saldhigyo ka sameysteen, garoonka diyaaradaha Kismaayo, dekedda, xarunta maamulka gobolka, saldhigga booliiska iyo goobo kale oo muhiim ah.

"Markii ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada waxaan maqalnay qaraxyo waaweyn, waxay ahaayeen kuwo ka dhashay miinooyin halkaas lagu qariyay. Midda ugu weyn waxay ka dhacday dekedda, mana garanayno cid ay khasaare kasoo gaartay," ayuu saxaafadda u sheegay goobjooge Kismaayo ku sugan.

Goobjoogayaal kale oo Kismaayo ku sugan ayaa iyaguna sheegay inay xaaladdu tahay saakay mid aad u daggan, ayna gudaha magaalada ku sugan yihiin ciidamadii dowladda iyo kuwa caawinaya ee Kenya.

Magaalada Kismaayo oo muddo shan sano ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab ayaa waxay isaga baxeen Sabtidii lasoo dhaafay, kaddib markii culeysyo milateri ay kala kulmeen ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida oo ka galay magaalada dhinaca xeebta badweynta Hindiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya