4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta si diiran magaalada Boosaaso loogu soo dhoweeyey (SAWIRO)

Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) - Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof.  Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo ay meel magaalada 20km ka baxsan kaga hortageen maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo kumanaan dadweyne ah oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaan Cabdiweli iyo wefdigiisa oo kasoo ambabaxay degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, wuxuu kahor intii uusan dhinaca Boosaaso usoo gudbin kusoo hakaday degmooyinka laamiga ku yaal sida Waaciye iyo Carmo.

Waxyar kahor imaatinkiisa Boosaaso ayuu warbaahinta la hadlay. Wuxuuna sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay tahay sidii uu u booqan lahaa gobolada oo dhan, islamarkaana uu ula kulmi lahaa bulshada reer Puntland.

Dhinaca kale wuxuu mahad balaaran usoo jeediyey dadweynihii sida diiran usoo dhoweeyey, isagoo sheegay in sidan si lamid ah loosoo dhoweeyey markii uu ugu danbeysey ee uu Boosaaso yimaado, oo ahayd bishii Feb ee sanadkan.

Ugu danbeyntii wuxuu guud ahaan umadda Puntland ugu baaqay, in ay dhowraan nabadda, kana fogaadaan wax walba oo midnimadooda wax u dhimi kara, isagoo xusay in nabadda iyo midnimadu ay horumarka lagama maarmaan u yihiin.

Mudane Gaas oo ahaa wasiirkii 1-aad ee xukuumaddii kumeel gaarka ahayd ee uu wakhtigeedu idlaaday, wuxuu imaatinkiisa magaalada Boosaaso kahor soo maray degmooyin badan oo Puntland ka tisan ayna kamid yihiin: Gaalkacayo, Gal-dogob iyo Garoowe.


Waxaa xusid mudan in si weyn loo hadal hayo imaatinka Gaas ee Puntland, dadka siyaasadda ka faalooda qaarkood ayaana aaminsan in uu qabo damac ku aadan sidii uu uga qayb geli lahaa doorashooyinka madaxtinimada ee Puntland ka qabsoomi doona sanad kadib.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya