4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Al-shabaab oo ku hanjabtay inay Qaraxyo Aargudasho ah ka geysan doono Gudaha Dalka Kenya
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ka gudaha dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo aargudasho ah, iyadoo xustay inay go'aansatay in Kenya ay ka shalaydo go'aankii ay ku gaartay inay gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa hadalkan ku sheegtay bogga ay Twitter-ka ku leedahay waxayna sheegtay inay kaga jawaabayso qabsashadii ay Al-shabaab qasatay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay lahayd.

"Kenya waxay ka shaleyn doontaa go'aanka ay qaadatay ee ay kula dagalaamayso mujaahidiinta Soomaaliya, iyadoo shalaynaya ayay barooran doonaan ," ayaa lagu yiri warbixinta ay Al-shabaab soo dhigtay boggeeda Twitter-ka.

Askar fara badan oo ka tirsan howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, inkastoo Kenya ay bishii Oktoobar ee sannadkii hore ay si iskeed u go'aansatay inay soo gasho Soomaaliya si ay ula dagaalanto Al-shabaab.

"Mujaahidiintu way sii wadi doonaan dagaalka inta ay guulo ka gaarayaan, waxaana naga go'an inaan qaraxyo waaweyn ka geysanno dalka Kenya," ayaa lagu yiri warka ay Al-shabaab soo bandhigtay.

Ciidamada Kenya oo caawinaya kuwa dowladda Soomaalida ayaa waxay ku sugan yihiin deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ay ku jirto magaalada Kismaayo oo ay horraantii bishan ka qabsadeen Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay sannadkii 2010 qaraxyo waaweyn oo dad badan ay ku dhinteen ka geysatay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ahaayeen aargudasho ay uga jawaabayaan dhibaatooyinka ay ciidamada Uganda ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya